calas (1) 1. C. ah: biyo saafi ah. 2. C. ah: maraq dufankiisu yaryahay. 3. C. ah: midab casaan xigeen ah; maarniin.
calas (2) 1. Biyo ama fuud aan miir ahayn calow galay, qasan. 2. Midabyo isku laban (xoolaha).
calasee 1. Dhul qashin ka nadiifin. 2. Biyo calas ka dhigid.
calaseyn eeg calasee.
calashad ld calalsasho.
calashi ld calalsasho.
calasho ld calalso.
calcalyo Biyo xareed, saafi ah.
caleemasaar (1) U boqridda cid loo boqro in ay bulsho madax u noqoto. ld caleemasaarid.
caleemasaar (2) Qof in uu bulsho madax u noqdo u boqrid. ld caleensaar².
caleemasaarid eeg caleemasaar². ld caleemasaar¹, caleensaar¹, caleensaarid.
caleemaysad ld caleemaysasho.
caleemaysasho eeg caleemayso. ld caleemaysad.
caleemayso Geed caleen yeelasho.
caleen 1. Geedka qeybtiisa laamaha ka baxda ee u sameysa cuntada. 2. Caleenta geedka shaaha.
caleen-iskudhisan (bot.) Caleenta iskudhisani waxay leedahay baabaca caleen u qaybsan caleen yarooyin girigirkoodu gaarsiisanyahay aroore caleenta.
caleendhacsad ld caleendhacsasho.
caleendhacsade (bot.) Geedka lumiya ama ay ka hoobtaan caleemaha xilliyada qaarkood.
caleendhacsasho eeg caleendhacso. ld caleendhacsad, caleendhaacsi.
caleendhacsi ld caleendhacsasho.
caleendhacso Caleemo iska ridid (geed).
caleensaar (1) ld caleemasaarid.
caleensaar (2) ld caleemasaar².
caleensaarid ld caleemasaarid.
caleensad ld caleensasho.
caleensasho eeg caleenso. ld caleensad, caleensi.
caleensi ld caleensasho.
caleenso Caleen cunid (riyo).
caley Dhalo farshiidda ka weyn.
calfad ld calafsasho.
<< < 203 204 205 206 207 208 209 210 211 212 213 > >>