Ereyga Maanta: fanaajiin
kamma'id eeg kamma'². ld kama'id.
kammil ld kaamil².
kammilan (1) ld kaamilan¹.
kammilan (2) ld kaa-milan².
kammilid ld kaamild.
kammilmid ld kaamilmid.
kammilnaan ld kaamilnaan.
kammilnaansho ld kaamilnaan.
kammudbixi Ka k.: waran iwm wax ka dusin.
kammudbixin eeg kammudbixi. ld kammudbixis.
kammudbixis ld kammudbixin.
kamuun Nagaar laamo badan, ubaxiisuna guduud iyo caddaan yahay. Wuxuu leeyahay miro dhuudhuuban oo leh iniinyo udgoon oo cunnadana lagu darsado dawana laga dhigto.
kan (1) (kaman, m.l) Baruur fuusha kelyaha korkooda.
kan (2) (kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Waa kan ninka qoray buugga”. ld ka¹.
kan (3) Dibkabe tilmaame oo magac dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado.
kanaaf K. ah: Dibi aan weli xoogaysan oo qiyaastii laba jir ah.
kanaal Laag ama far biyomareen ah oo beeraha lagu waraabiyo.
kandeela (fiis.) Summad: Cd. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee itaal iftiimeedka, ku qotoma jihada, dul madow oo ah 1/600,000 mitir laba jibbaaran, heerkulkuna le'egyahay heer barafowga balaatinam, cadaadiskuna yahay 101,325 niyuutan halkii mitir (n/m).
kaneeco (c.nafl.) Cayayaanka duula nooc ka mid ah oo qaarkeed ay keento cudurro xunxun oo ay duummada ka mid tahay; dhilmaanyo.
kanguuro (c. nafl.) Naasley lugaha dambe ku socota, uurka ku leh kiish ay ilmaha ku qaadato, oo ku nool Ustaraaliya.
kaniisad Meel dhisan oo ay masiixiyiintu wax ku caabudaan.
kanjab (1) Cudur ku dhaca xoolaha aad u cayila oo burburiya baruurta loo yaqaan kanka.
kanjab (2) Cayil dartiis u dhimasho.
kanjabid eeg kanjab².
kankamid eeg kankan².
kankan (1) Ur xooggan oo meel ka soo baxa.
kankan (2) Ka k.: ur udgoon meel ka soo carfid.
kankoon Wax sida kubbadda u wareegsan ama qaab u eg leh.
kankoonsan Wax wareegsan ahaansho.
kankoonsanaan eeg kankoonsan. ld kankoonsanaansho.
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>