Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
xaraash (2) Badeeco qiimo jaban ku gadid.
xaraashid eeg xaraash².
xarad Muuqaallo ka samaysan xarriiqo iyo astaamo oo wax la qurxinayo korkiisa lagu dhigo ama lagu qoro; naqash. ld xarar.
xaradhaami Cid si fiican u dhaqaalayn.
xaradhaamin eeg xaradhaami.
xaradhaamo Waxaaga oo la deysto oo qof kale wixii, wax lagu qabsado; wax dhaqaalaysi; tashiilad; maradhaaro.
xaraf Alifka af lagu qoro ereyadiisa mid ka mid ah.
xarafsad ld xarafsasho.
xarafsasho eeg xarafso. ld xarafsad, xarafsi.
xarafsi ld xarafsasho.
xarafso Wax kulul ama diirran si ay u qaboobaan dabayl u dhigid.
xarakaad ld xarako (2).
xarakad ld xarako (2).
xarakayn eeg xarakee.
xarakaysan Xarako loo yeelay.
xarakaysnaan eeg xarakaysan. ld xara-kaysnaansho.
xarakaysnaansho ld xarakaysnaan.
xarakee Xarako u yeelid.
xarakeysan Far wax xarako loo yeelay ahaansho.
xarako 1. (-dyo, m.dh) Dhaqdhaqaaq. 2. ld xarakaad, xarakad. Shaqallo loo yeelo xuruufta carabiga. 3. Xiiso; farax.
xaram ld xaran.
xaran Meel barakaysan oo cibaadeysi loo tago sida Kacbada iyo masjidka Madiina. ld xaram.
xarar (1) 1. Geed-abaareed weynaada oo laf adag oo qoryihiisa wax lagu dhisto. 2. (-rro, m.dh) Naqash.
xarar (2) Wax xarar ku dhigid.
xarbad ld xaraabad.
xarbi (1) ld xaraabad.
xarbi (2) Cid la dagaalamid.
xarbin ld xarbiyid.
xarbiyid eeg xarbi². ld xarbin.
xardhan Wax xarar loo yeelay ahaansho.
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>