catow (1) 1. Hadal qof ku muujiya xumaan ama dhibaato gaartay, calaacal. 2. ld cataabid.
catow (2) Cid, xumaan ama dhibaato gaartay hadal ku sheegid, claacalid.
caw (1) 1. Dhinac; dhan. 2. Aagga u dhow meel. ld caaw¹.
caw (2) Caleemo dhaadheer, laga sameysto darin dambiil, xarig iwm. oo ka baxda geed la bah ah timirta iyo baarta. ld caaw².
cawaag 1. Miraha geedka mayrada. 2. Summad gaar ah oo geela lagu dhigo.
cawaan (cawaan, m.dh) 1. Dad jaahil ah oo aan diin lahayn. 2. Qof, qof kale hiil iyo hooba la garab taagan.
cawaandi Qof isla weyni iyo kibir badan.
cawaannimo Cawaan ahaan.
cawaansad ld cawaansasho.
cawaansasho eeg cawaanso. ld cawaansad, cawaansi.
cawaansi ld cawaansasho.
cawaanso Cid kaalmo iyo taageero ka doonid.
cawaaqib Waxa nasiib u noqda qofka ee nolooshiisa ku dambeyso.
cawaaqibxumaan eeg cawaaqibxun. ld cawaaqibxumaansho, cawaaqibxumi, cawaaqibxumo.
cawaaqibxumaansho ld cawaaqibxumaan.
cawaaqibxumi Cawaaqib aan wanaagsanayn ee qof noloshiisu ku dambeyo. ld cawaaqibxumaam.
cawaaqibxumo ld cawaaqibxumaan.
cawaaqibxun Wax aan cawaaqib wanaagsanayn ahaansho.
cawaarsasho eeg cawaarso.
cawaarso Maroodi, si uu u harraad beelo, dhir dhacaan leh ruugid.
cawabbari (1) 1. Habeen meel nabad gelyo lagu baryo. 2. ld cawabbarid.
cawabbari (2) Habeen meel nabad ku baryid.
cawabbarii Wax habeen meel ku nabad gelin. ld cawabbariisii.
cawabbariin eeg cawabbarii. ld cawabbarisiin.
cawabbarin ld cawabbaryid.
cawabbarisii ld cawabbarii.
cawabbarisiin ld cawabbariin.
cawabbaryid eeg cawabbari². ld cawabbari¹ (2), cawabbarin.
cawaddaran Waqtiga qorraxdu dhacdo oo mugdigu billaabmayo.
cawadhalad Qof aad u nasiib badan.
<< < 230 231 232 233 234 235 236 237 238 239 240 > >>