cawtalgasiir Geed la aamminsan yahay inuu awrka qooqani daaqo.
cay (1) Dhareer; calyo.
cay (2) 1. ld caay 1. Hadal ama fal qadaf ah oo cid loola jeedo. 2. God, shabaq, siriq ama bir iyo dabin kale oo loo dhigo ugaarta si ay ugu dhacdo. 3. Geedaha beerta laga guro oo inta la aruuriyo la gubo.
cay (3) (caayay, cayday; caayi) Hadal ama fal qadaf ah cid u jeedin. ld caay².
cayaar (1) 1. Madaddaalo tab iyo xeel loo dheelo leh oo ay dadku waqtiga isku dhaafiyaan. 2. Fal, jaan iyo jiib leh oo ay dhallinyaradu habeenkii waqtiga iskudhaafiyaan. 3. Tartan kubbad, orod iwm. 4. Kaftan aan run ahayn. ld ciyaar¹.
cayaar (2) 1. Madaddaali tab iyo xeel leh waqti isku dhaafin. 2. Fal, jaan iyo jiib leh habeen waqti isku dhaafin. 3. Tartan kubbad, orod iwm. ka qaybqaadasho. 4. Kaftan dhihid.
Cayaaraha eeg Cayaar
cayaari (1) Garangar yar oo inta xarig laga dhexdudisiyo, waxyaalaha culus lagu shubashubeeyo; khafyad. ld ciyaari¹.
cayaari (2) Wax ciyaar ku madaddaalin. ld ciyaari².
cayaarid eeg cayaar². ld ciyaarid.
cayaarin eeg cayaari. ld ciyaarin.
cayaarsii 1. Wax ciyaar ku madaddaalin. 2. Qof tababbarid (askaro). ld ciyaarsii.
cayaarsiin eeg cayaarsii. ld cayaarsiis, ciyaarsiin, ciyaarsiis.
cayaarsiis ld cayaarsiin.
cayaartoy (1) (cayaartoy, m.dh) Nin nooc cayaaraha ka mid ah loo tababbaray oo yaqaan sida loo dheelo. ld ciyaartoy¹.
cayaartoy (2) 1. Gabar loo tababbaray nooc cayaaraha ka mid ah oo taqaan sida loo dheelo. 2. Koox ciyaar loo tababbaray sida kuwa kubbadda cagta iwm. ld ciyaartoy².
cayaaryahan Qof nooc ciyaaraha ka mid ah ku wanaagasan. ld ciyaaryahan.
cayaaryaxaas Ciyaar dab la shido oo ay dheelaan baxaarradu marka ay doonayaan in yaxaasku soo baxo. ld ciyaaryaxaas.
cayaayir 1. Hadal ama fal aan dhab ahayn oo uu qof mid kale kula kaco. 2. Ciyaar; dheel.
cayalo'aad Nagaar dhulka ku faafa caleemo biyo ka buuxaan iyo laamo jilicsan leh oo ka baxa meesha degelka leh.
cayayaan Bahallada yaryar, aan laf iyo dhiig lahayn oo leh lix ama siddeed lugood, oo ay ka mid yihiin kaneecada, caarada, duqsiga iwm.
cayayaandile (kiim.) Walax kiimikaad loo isticmaalo in lagu dilo cayayanka ama nooleyaal kale oo waxyeelleeya miraha iyo geedaha kale oo la beeray.
caycay Nafley u nugul dhibaatada.
caycaynimo Caycay ahaansho.
cayd Baahi weyn oo wax loo qabo. ld ceed.
caydan Qof, baahi weyn alaab maacuun u qaba ahaansho. ld ceedan.
caydbax Alaab maacuun oo aad loogu baahnaa helid. ld ceedbax.
caydbixid eeg caydbax. ld ceedbixid.
cayddi 1. Nooc mallayga yaryar ka mid ah oo koox-koox isu raaca. 2. Ilmo. 3. Wax yaryar oo aan qayme lahayn. (baay.) Nudo geed oo ka kooban unugyo si firfircoon u qaybsamaya oo soo saara unugyo; unugyadaas oo u meesiyooba nudaha cusub ee geedka.
caydnaan eeg caydan. ld caydnaansho, ceednaan, ceednaansho.
<< < 235 236 237 238 239 240 241 242 243 244 245 > >>