Ereyga Maanta: ismaandhaaf
colwade 1. Qof garwadeen u ah col. 2. Qof colaad iyo xasilooni la'aanta jecel; fidnawale.
conqor Biyaqabad yar, aan hoos u dheerayn oo dhadhaab dusheeda ku yaal.
conqorree Xubin sac dhali waayay sancayn.
conqorreyn eeg conqorree.
conqorreysan Wax la conqorreeyey ahaansho.
conqorreysnaan eeg conqorreysan. ld conqorreysnaansho.
conqorreysnaansho ld conqorreys- naan.
coobbakari Awr iwm coobbada aad buurid.
coobbakarin eeg coobbakari.
coobbayn eeg coobbee.
coobbe Cunaha awrka ee buufsima marka gulguloonayo.
coobbee Cune buurid (awr).
coobil C. ah: orgi si dhaqsa ah aan u dareemin astamaha orgoodka rida.
coobilnimo Coobil ahaansho.
coobir Nin fil weyn oo xoog leh.
cood 1. Maal; hanti. 2. Xoolaha la dhaqdo. ld cuud¹ (4).
cooddi Hilib baruur leh.
coodin Geed nagaar dhulka ku faalala oo leh laamo dhudhuuban, caleemo yaryar iyo buruq biyo badan oo la cuno.
coof Timo aad u baxay oo aan laga shaqayn.
coofaar Lab libaax ama daanyeer, duq ah oo leh bulbul badan.
coofley 1. Nooc shimbir biyoodka ka mid ah, midab cad oo koox u socota. 2. Cantallay; xuur. 3. Feerta geela meesheeda ugu dambeysa ee leh hilib jilicsan iyo baruur. 4. Inan yar oo aan weli timihii loo dabin.
coolli Daruur cufan oo ay biyo ka buuxaan.
coomaadde ld coomaadi.
coomaadi Nooc haadka hilibka cuna ka mid ah, xoog badan leh, gorgorkana ka yar. ld coomaadde.
coomoobid eeg coomow.
coomow Gabar, wax da'weyn oo la guursan waayey noqosho.
coon (1) 1. Nin gaaban oo aan da'diisu ka muuqan. 2. Dab, webi, bad iwm agtooda. Tus. “Dabka c.kiisa”: dabka agtiisa.
coon (2) 1. Haweeney gaaban oo aan da'deeda ka muuqan. 2. Gabar da'weyn oo aan la guursan; guumeys.
cooraaf Qof aad u dabeecad xun.
cooraafnimo Cooraaf ahaansho.
<< < 259 260 261 262 263 264 265 266 267 268 269 > >>