Ereyga Maanta: afxirasho
caloolfayoobaan eeg caloolfayoobi². ld caloolfayoobaansho.
caloolfayoobaansho eeg caloolfayoobow. ld caloolfayoobaan.
caloolfayoobi Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin; uursami.
caloolfayoobow Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin noqosho.
caloolfayow Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin ahaansho.
caloolgal (1) 1. Bilawga uurka haweenka, uurgal. 2. ld caloolgelid.
caloolgal (2) Uur gelid.
caloolgelid eeg caloolgal². ld caloolgal¹ (2).
caloolgo' Ka c.: qof, cid uu jeclaa aad u nicid..
caloolgo'id eeg caloolgo'.
caloolgubyo Dareen leh ciil, caro iyo murugo; tiiraanyo.
caloolgubyoo Caloolgubyo dareemid.
caloolgubyood eeg caloolgubyoo.
calooljilcan 1. Qof naxariis badan ahaansho. 2. Qof wax uusan hubsan si sahlan u qaata ahaansho.
calooljilcanaan eeg calooljilcan. ld calooljilcanaansho.
calooljilcanaansho ld calooljilcanaan.
calooljileec 1. Dareen naxariis iyo turaal leh oo aadanaha ku beerma. 2. Dareen nuglaan iyo debec leh oo loo yeesho arrin aan la hubsan.
caloolmajiir (daaw.) Xanuun aad ah ee uurkujirtada oo ay ilbidhiqsiyo ama daqiiqado qabatinka u kala dhexeeyaan.
caloolqabad ld caloolqabasho.
caloolqabasho Xanuun qabatin ah oo caloosha maroojiya; caloolxanuun. ld caloolqabad.
caloolsamaan caloolsan. ld caloolsami.
caloolsami Cadaawad iyo neceyb la'aan. ld caloolsamaan.
caloolsan Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin ahaansho.
caloolweyn Qof buuran ahaansho.
caloolweynaan eeg caloolweynad. ld caloolweynaansho.
caloolweynaansho ld caloolweynaan.
caloolweynad Cudur kaneecada laga qaado oo beeryarada barariya; bu'; weled. ld uurweynaad.
caloolxanuun Cudur kasta oo caloosha ku dhaca oo xanuujiya.
caloolxumaan eeg caloolxun. ld caloolxumaansho, caloolxumi, caloolxumo.
caloolxumaansho eeg caloolxumow. ld caloolxumaan.
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>