Ereyga Maanta: nadalo
daaji 1. (f.g) U muujin kalsooni iyo debecsanaan qof dhagar lala maagganyahay. Tus. “Dambiililhii mudda dheer waa la daajiyay dabadeese waa la qabtay”. 2. (f.lg) Xoolo meel daaq leh soofin. ld daaqsii.
daajin eeg daaji. ld daajis, daaqsiin, daaqsiis.
daajis ld daajin.
daakir Arooryo hore addimid.
daakiraad 1. Addinka iyo ducooyinka la akhriyo arooryada hore. 2. Waqtiga addinka arooryada hore.
daakirid eeg daakir.
daal 1. Nooc digirta ka mid ah, iniino yaryar oo qaab wareegsan leh oo la cuno. 2. Cad dhalo ah oo wixii lagu fiiriyo muukaalqooda weynaysa.
daal (1) Culayska iyo jiirago'a oogada ku dhaca kolka socod dheer ama hawl adag la qabto; noog.
daal (2) (daaw.) Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah.
daal (3) Socod dheer ama hawl adag oo la qabtay awgeed, culays iyo jiirago'oogada ka dareemid.
daalac (1) Wax dheeraad ah oo cid loo raacdo.
daalac (2) Dayax ama qorrax soo muuqasho.
daalacan Waqti wixii la sheegaa ay shaac baxaan oo aanay qarsoomin.
daalacasho eeg daalaco.
daalaco Si xasilloon wax u akhrisasho.
daalalli 1. Waaxda saddexaad ee degmooyinka xiddigaha, xilliga dayrta. 2. Roobka xilliga dayrta da'a. 3. Raar meydka looga sameeyo geedaha korkooda.
daalan ld daallan.
daaldhe Doqon.
daali 1. Qof ama nafley noog ku ridid. 2. Qof wax uu u baahanyahay u raadin.
daalib (1) 1. Qof wax doonaya. 2. Qof wax baranaya.
daalib (2) Wax doonid ama raadin.
daalibid eeg daalib².
daalici Wax muujin; wax kor u soo bixin.
daalicid eeg daalac². ld daalac¹ (2).
daalicin eeg daalici.
daalid eeg daal². ld daalis.
daalin eeg daali.
daalis ld daalid.
daallan Cunno macmacaan oo jaadad badan ah oo cunnada weyn dabadeed la cuno. ld daalan.
daallan (1) Wax noog hayo ahaansho. ld daalan.
<< < 278 279 280 281 282 283 284 285 286 287 288 > >>