afuufnaan eeg afuufan². ld afuufnaansho.
afuufnaansho ld afuufnaan.
afuufo Neef afka, ama wax kale, laga sii daayo.
afuug (1) Caws ka jaridda beer la geed qaaday. ld afuugid.
afuug (2) Beer la geed qaaday caws ka jarid. ld afruug².
afuugid eeg afuug². ld afruug¹, afruugid, afuug¹.
afuujin Burburinta beer carradeeda lagu sameeyo si loo carrageddiyo.
afwaaji Hadal qof laga filayo in uu sheego, hadal kale oo buriya sheegid.
afwaajin eeg afwaaji.
afwebi (juqr.) Halka webiga iyo baddu iska galaan, halkaas oo saamaynta mawjaddu ay ka muuqato, isla markaasna ah halka biyaha webiga ee macaan iyo biyaha baddu iskaga darsoomaan.
afweyn Riciraha tunka tan ugu sareysa ee madaxa ku fadhiyo.
afweyn-holac (daaw.) Halaamacood lafta afweynta ee ka muuqata dhegta dabadeeda oo saameeya gododka laftaas (air space)la xiriiriya godka dhegta dhexe.
afxaar Qof cay badan oo aan xishoon.
afxir (1) Asraar loo akhriyo xoolo lumay si uusan dugaag u cunin. ld aftuur¹.
afxir (2) Xoolo lumay quraan u akhrin si aan dugaag u cunin. ld aftuur².
afxiran 1. Qof soon niyaystay ahaansho. 2. Dugaag si uusan xoolo lumay u cunin wax la afxiray ahaansho.
afxirasho eeg afxiro.
afxirid eeg afxir². ld aftuurid.
afxirnaan eeg afxiran. ld afxirnaansho.
afxirnaansho ld afxirnaan.
afxiro Soon niyaysasho.
afxumaan eeg afxun. ld afxumaansho, afxumi, afxumo.
afxumaansho eeg afxumow. ld afxumaan.
afxumayn eeg afxumee.
afxumee Qof hadallo aan munasaab u ahayn ku dhihid.
afxumi ld afxumaan.
afxumo ld afxumaan.
afxumow Wax afxun noqosho (qof).
afxun Wax cay badan ahaansho.
afyaal 1. Hoggaamiye; horyaal. 2. Qof cid u qaabbilsan soo dhoweynta. 3. Aftahan. 4. Oodafo. 5. Mir ka duwan iniinaha tusbaxa, dheer, oo soo ooda taxa tusbaxa.
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>