dafraan ld dafshaan.
dafshaan Qof dhibaato dhaqaale hayso. ld dafraan, tafshaan.
daftar Buug wax lagu qorto.
dafto ld dafo.
dag Cid dhibaato aysan filayn gaarsiin ama ka dhaadhicin wax aan jirin; dhagrid; khatalid.
dagaag (1) 1. Qof ama dad ka dalaabay degaankoodii cayrnimo awgeed. 2. ld dagaagid.
dagaag (2) Cayrnimo awgeed la dalaabid (qof).
dagaagid eeg dagaag². ld dagaag¹ (2).
dagaagnimo Dagaag ahaansho (qof).
dagaal (1) 1. Iska horimaad af ama addin ah, waxyeello lays gaarsiiyo oo dhexmara laba qof ama ka badan. 2. ld dagaalid.
dagaal (2) D./la d.: laba qof ama ka badan waxyeello af ama addin ah isgaarsiin.
dagaal-aqoon Xeelad.
dagaalgal 1. Heer korriimo oo marka wiilashu gaaraan dagaalka ka qayb qaadan karaan. 2. D. ah: wiil gaaray da'dii uu dagaal kaga qayb qaadan lahaa. 3. Hab dagaal looga qayb qaato.
dagaalgeli Ciidan dagaallamaya hoggaamin (qof).
dagaalgelin eeg dagaalgeli. ld dagaalgelis.
dagaalgelis ld dagaalgelin.
dagaalid eeg dagaal². ld dagaal¹ (2).
dagaaljecel Qof shiddoole ah ahaansho.
dagaaljeclaan eeg dagaaljecel. ld dagaaljeclaansho.
dagaaljeclaansho ld dagaaljeclaan.
dagaaljooji Dirir joojin.
dagaaljoojin eeg dagaaljooji. ld dagaaljoojis.
dagaaljoojis ld dagaaljoojin.
dagaallamid eeg dagaallan². ld dagaallan¹.
dagaallan (1) ld dagaallamid.
dagaallan (2) La d.: cid dagaal kula kicid.
dagaaltoleed Dagaal dhex mara dad qaraabo ah; dagaalsokeeye.
dagaalyahan Qof geesi ah oo tabaha iyo xeeladaha dagaalka yaqaan.
dagaalyahannimo Dagaalyahan ahaansho (qof).
dagaggoo Ka d.: xoolo dago ka bixin.
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>