Ereyga Maanta: maleeqo
xaydaan (1) Ood ama dhismo wareegsan.
xaydaan (2) Wax xaydaan loo sameeyay noqosho.
xaydan Maro iwm wax la xayday ahaansho.
xayddaan Ood ama dhismo wareegsan.
xaydhayn (fiis.) Isticmaalka saliidda, xaydha iwm, si loo yareeyo xoogga isliska ee ka dhexeeya dulaha istaabanaya, loogana hortago daxalka.
xaydid eeg xayd.
xaydnaan eeg xaydan. ld xaydnaansho.
xaydnaansho ld xaydnaan.
xaydo Maro la guntanyahay kor u qaadasho.
xayeeshi Nafley gurijoogto, caato ah.
xayeesi Caato; weyd.
xayeesinnimo Xayeesi ahaansho.
xayi X. ah: qof waxtar ah ama firfircoon.
xayir Wax socodkooda ama fuliddooda is-hortaagid.
xayiraad (1) Xayirmid.
xayiraad (2) (taar.) Is-hortaag dhaqaale oo la xiriira joojin ganacsi, dhaq-dhaqaaqa maraakiibta si looga joojiyo dal isdhaafsiga ganacsiga uu la leeyahay dalalka kale.
xayiran (1) ld xayirmid.
xayiran (2) Wax socodkooda ama fulintooda la is-hortaagay noqosho.
xayiran (3) Wax la xayiray ahaansho.
xayirid eeg xayir.
xayirmid eeg xayiran². ld xayiran¹.
xayirnaan eeg xayiran³. ld xayir-naansho.
xayirnaansho ld xayirnaan.
xayl (1) Dhiigga dumarku bishiiba kol helo; caado; dhibaad.
xayl (2) Haweeney caado helid.
xaylid eeg xayl.
xayn In yar oo aan badayn oo xoolo, ugaar iwm oo wada jira; horin; koox.
xayndaab Deyr; heeraar.
xaynoosh X. ah: mid aad u cad.
xayo Xishood.
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>