Ereyga Maanta: dabree
deexasho eeg deexo. ld deexad.
deexguur Dadka dega dhulka badda u dhow.
deexo 1. U d.: qof, qof kale si daacad ah ugu warramid. 2. Hadal badan shubid; dalqamid.
deg (1) 1. Dhul korreeya hoobadka ah. 2. Daan (webi). 3. Garabka intiisa kore; qarqar.
deg (2) 1. (f.g) Meel rug ah dhigasho (cid). 2. (f.g) Wax duulayey fariisasho. 3. (fg.) Xabbad turub ah bad dhigid. 4. (f.mg) Wax, biyo hoos ugu shiidid. 5. (f.mg) Dhul, webi iwm heerkooda hoos uga dhicid. 6. (f.mg) Wax isku qasan kala miirmid. 7. (f.mg) Wax kacsan xasilid. 8. (f.mg) La d.: cid khasaaro badid. 9. (f.mg) Ku d.: cid marti u noqosho.
degaamee Meel degaan ka dhigid. ld deegaamee, deegaami, degaami.
degaameyn eeg degaamee. ld deegaameyn, deegaamin, degaamin.
degaami ld degaamee.
degaamin ld degaameyn.
degaan Meel la deggan yahay. ld deegaan¹ (2).
degaan habboon (baay.) Kaalinta uu noole ka qaato deegaankiisa. D.ka h. ee noole waxa lagu qeexi karaa cuntooyinka kala duwan ee uu quuto, kuwa isaga ugaadhsada, sida uu heerkulka ugu adkaysto iwm.
degaandeg Inta u dhexeysa dusha meel sare ilaa halka ay ka simantahay.
degaansho Xaalad deggan.
degad ld degasho.
degadduub Suuman yaryar oo kabaha sandalka ah lagu qurxiyo.
degalbaaris (taar.) Barashada taariikheed iyo dhaqan ee mujtamacyadii hore, adigoo eegaya dhismooyinkii ay ka tageen, xabaalihii, qalabkoodii iwm.
degasho eeg dego. ld degad.
degdeg (1) 1. Dhaqsiyaha wax lagu qabto. 2. D. ah: wax si kedis ah u yimaada. ld deddeg¹, deddegsiinyo, degdegsiinyo.
degdeg (2) Si dhaqsiya ah wax u qabasho. ld deddeg².
degdegid eeg degdeg². ld deddegid.
degdegsan Wax degdegaaya ahaansho. ld deddegsan.
degdegsanaan eeg degdegsan. ld deddegsanaan, deddegsanaansho, dedgegsanaansho.
degdegsanaansho ld degdegsanaan.
degdegsiinyo ld degdeg¹.
degdeji Wax si dhaqso ah u samayn. ld deddeji.
degdejin eeg degdeji. ld deddejin, deddejis, degdejis.
degdejis ld degdejin.
degeb ld dogob.
degel 1. Saalada xerada ariga ama lo'da ku kabbisanta. 2. Meel muddo badan la degganaa.
degeltir Wax ciribtirid.
<< < 341 342 343 344 345 346 347 348 349 350 351 > >>