kebedgalool Nooc kebdaha ka mid ah oo laga sameeyo mayrax galool. ld gebedgalool.
kebriid ld kabriid.
kedi1 Geed qodxeed miro la cuno leh oo qolof adag leh, layskuna daaweeyo; shillin; kulan; quud. kedi2 ld kadi. kedin ld kadin².
kedis 1. Fal u dhaca si lama filaan ah. 2. Barnaamaj aqooneed oo lagu tartamo. 3. ld kadin².
kediso ld kadiso.
kedo 1. Wax si degdeg iyo lamafilaan ah ku dhaca; aan la iska jirin; lamafilaan. 2. (fk) Si kedis ah; islamarkiiba.
kee1 kuwee, w Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “ Waa kee midka aaday xafiiska?.” . kee2 Dibkabe weyddiimeed oo lab, oo wax ama qof lagu hubsado. Tus. “Wiilkee baa kula hadlay?”. keeb Bir yar oo qaroofsan oo kolka farta dib loogu soo jiido, qarxiyaha ka wareegta, oo xabbaddu dhacdo; riishad. .
keed ld keeda².
keeda1 (kuweeda, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dhaddig) ay leedahay. Tus.”keedu wuxuu ka muuqdaa halkaas”. . keeda2 Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. ld keed. keen1 Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa ay ku jiraan. Tus. “Cali baa isugu keen yeeray”. keen2 1. Wax meel durugsan yaal meel dhow u soo qaadid. 2. Cid wax u dhiibid. . keen3 ld keenna². keenayn eeg keenee.
keenee Awr keeno gelin.
keenid eeg keen³. ld keenis.
keenis ld keenid.
keenna1 (kuweenna, w) Magacuyaal lahaansho oo lab oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tus. “Gurigiisa keenna ayaa ka dhow”. . keenna2 Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tus. “Aan aadno gurigeenna”. ld keen³. keeno Siriq hoggaanka loo yeelo oo geela inta gafuurka loo suro lagu wado.
keensad ld keensasho.
keensasho eeg keenso. ld keensad.
keenso Wax meel durugsan ka qaadasho.
keer1 (kuweer, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. Tus. “Keer baa fariistay meeshaadii ee ka kici”. . keer2 Dibkabe tilmaame oo magac lab dib looga qodbo oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. keeratoosis (daaw.) Wax walba sidii gees, maqaarka ka baxa.
page : 36 of 73
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 > >>