Ereyga Maanta: khaatumo
dheeraansho eeg dheerow. ld dheeraan.
dheeraar Xarig dheer oo xoolaha lagu xiro si uu u daaqo una fogaan.
dheeraari Neef xoolo ah xirid si uu u daaqo, una fogaan.
dheeraarin eeg dheeraari. ld dheeraaris.
dheeraaris ld dheeraarin.
dheeraarsan Wax dheeraar lagu xiray ahaansho.
dheeraarsanaan eeg dheeraarsan. ld dheeraarsanaansho.
dheeraarsanaansho ld dheeraarsanaan.
dheeraarsasho eeg dheeraarso.
dheeraarso Neef xoolo ah si uu u daaqo meel ku xirasho.
dheerallaabid ld dheelallaabid.
dheerallabo ld dheelallaabo.
dheerallaw (2) ld dheelallaw².
dheerallow (1) ld dheelallaabo.
dheerallow (2) ld dheelallow².
dheerashiito Gaaraabidhood.
dheeraweyn Cayayaan yaryar dalagga daldalooliya oo dhuuxa ka cuna.
dheerayn eeg dheeree. ld dheerays.
dheerays ld dheerayn.
dheeraysii 1. (f.g) Wax xawliga ay ku socdaan kordhin. 2. (f.mg) U dh.: cid waxay qeyb u lahayd wax ka badan siin.
dheeraysiin eeg dheeraysii.
dheerdheere ld dheerdheero.
dheerdheero 1. Geed qoodxeed jeerinka u eg oo leh miro iyo xabag la cuno. 2. Xajiin jirku la barbararo. ld dheedheero, dheerdheere.
dheerdheeroo Wax dheerdheero hayso noqosho. ld dheedheeroo.
dheerdheerood eeg dheerdheeroo. ld dheedheerood.
dheeree 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Wax dhererkiisa kordhin. 2. (f.g) Wax meel ka fogeyn. 3. (f.mg) Orod ama socod kordin. 4. U dh.: cid waxay qeyb u heshay in ugu darid.
dheeri (1) ld dheeraad.
dheeri (2) ld dheeraan.
dheerow 1. Wax dhererkiisu kordhay noqosho. 2. Ku dh.: wax muddo dheer ku qaadasho. Tus. “Shirkii waa lagu dheeraaday”. 3. Wax meel ka durkay noqosho.
dheertaxaniinyo Cayayaan dhulka xammaarta, dhuuban, dheer lugo badan oo qaniinyo kulul. ld dhiirtaxaniinyo, dhuurtaxaniinyo.
<< < 395 396 397 398 399 400 401 402 403 404 405 > >>

