dhure 1. Fandhaal weyn. 2. Weel kasta oo wax lagu dhuro.
dhurgumid eeg dhurgun².
dhurgun (1) Diismidda meel jirka ka mid ah oo barartay diisanta.
dhurgun (2) Meel jirka ka mid ah oo baratay diismid.
dhurgunsan Wax dhurgun haya ahaansho (jir).
dhurgunsanaan eeg dhurgunsan. ld durgunsanaansho.
dhurgunsanaansho ld dhurgunsanaan.
dhurid eeg dhur².
dhurmid eeg dhuran¹.
dhurnaan eeg dhuran². ld dhurnaansho.
dhurnaansho ld dhurnaan.
dhuro 1. (f.g) Hoore weel ku shubasho iyadoo weel yar la dardarayo. 2. (f.mg) U dh.: dhaqan ama dabeecad ciddiisu hidde u lahayd la soo bixid.
dhuroobid eeg dhurow².
dhurow (1) 1. Liibaan; khayr. 2. ld dhuroobid.
dhurow (2) Liibaan, taran, khayr iwm helid (qof).
dhurruur Biyo calawsan kala miirid.
dhursug Ka dh.: faa'iido dambe ama aayatiin wanaagsan ka dhowrid.
dhursugid eeg dhursug.
dhururi ld dhururuq.
dhururuq Kumi toban meelood loo qeybiyey mid ka mid ah; senti. ld dhururi.
dhurwaa Dugaag yeyda wax xoogaa ka weyn, xoolaha laaya, ilko adag oo lafaha burburiya leh oo labada lugood ee dambe u gaaban.
dhurwaayo Maro midabkeedu isugu jiro madow iyo caddaan oo aalaa danyartu qaadato.
dhusaas Ciddood (ugaar), ka weyn sagaaradana, eeladana ka yar.
dhusinraac (baay.) Koridda xubno ka tirsan geedka iyaga oo ka jawaabaya cuf-isjiidadka.
dhusundhus (dhusundhus, m.dh) Geed-quwaax leh dheecaan dufan leh oo urtiisu sida gaaska tahay. ld dhudhus.
dhusuq Uskag; wasakh.
dhuti Nafley addimada mid ka mid ah wax ka qabta si aan isu miisaaneyn u socosho. ld dhiti².
dhutin eeg dhuti. ld dhitin, dhitis, dhutis.
dhutis ld dhutin.
dhuu Harag jilicsan oo waayadii hore dhar laga dhigan jiray. ld dhugi.
<< < 433 434 435 436 437 438 439 440 441 442 443 > >>