Ereyga Maanta: jalaalaqayn
dhuumaalaysad ld dhuumaalaysasho.
dhuumaalaysasho eeg dhuumaalayso. ld dhuumaalaysad, dhuumaalaysi.
dhuumaalaysi ld dhuumaalaysasho.
dhuumaalayso 1. Dhuu mashow cayaarid (qof). 2. Gag- gabbasho; dhuundhuumasho.
dhuumaashow ld dhuumashow.
dhuumasho eeg dhuumo.
dhuumashow Cayaar carruurtu cayaarto oo hadba inta qaar dhuunto qaarka kale doondoonaan. ld dhuumaashow.
dhuumato Feer yarada geelu meesha ay ka haysato lafdhabarka hilibka ku yaal; hulkujir.
dhuumo Meel aan muuqaalkiisa looga jeedin galid (nafley).
dhuumood Geed dheer, qodxo lahayn, laamo toosan, jilicsan oo dhuun laga dhigto leh.
dhuun (1) 1. Caano si aad ah u suusacay. 2. Malax. 3. Dh.kayga, dh.kaaga iwm: naftayda, naftaada iwm.
dhuun (2) 1. Tuubada cuntada caloosha geysa; hunguri. 2. Bir, caag iwm dhexda ka daloola, oo hooraha lagu nuugo. 3. Jid toosan oo dhuuban.
dhuun shahwo goyn eeg dhufaanid.
dhuun-goys (taar.) Qalab ama aalad loo isticmaal ijiray in dambiilayaasha lagu surgooyo, gaar ahaan waxa laga isticmaali jiray dalka Faransiiska waqtiyadii hore.
dhuun-limf (dhuumo ..., m.) (c.nafl) Dhuumo u eg aroorayaasha, kuwaasi oo limf ka soo qaada nudaha kuna shuba aroorayaasha waaweyn ee wadnaha gala.
dhuunbuur Buntuq, lix xabbabood qaada oo xabbad-keliyaale u dhaca; dhoombir.
dhuundalool U dh.: arrin xog-ogaal u noqosho.
dhuundaloolid eeg dhuundhalool.
dhuundhaban Neef geel ah wax gowracan ahaansho.
dhuundhas Dareere ama neef xoog u diisan oo ka soo baxaysa dhuun af-yar kana dhalata nakhaska (qashinka) ay tuurayaan marwaxadaha neefeed.
dhuundhaw (1) 1. Gowricidda neef geel ah la gowraco. 2. ld dhuundhebid .
dhuundhaw (2) Neef geel ah gowricid.
dhuundhebid eeg dhuundhaw². ld dhuundhaw¹ (2).
dhuundhuumasho eeg dhuundhuumo. ld dhuudhuumasho.
dhuundhuumashow Cayaar carruurtu cayaarto oo hadba inta qaar dhuunto qaarka kale doondoonaan. ld dhuudhuumashow.
dhuundhuumid eeg dhuundhuun². ld dhuundhuun¹ (3).
dhuundhuumo 1. Dhuundhuumashow ciyaarid (carruur). 2. Isqarqarin; gaggabbasho. ld dhuudhuudhuumo.
dhuundhuun (1) 1. Hilib aad loo daahiyay. 2. Miro aad u bisil. 3. ld dhuundhuumid.
dhuundhuun (2) 1. Wax bisayldhaaf ah noqosho (hilib). 2. Wax aad u bisil noqosho (miro).
dhuungoo 1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn.
<< < 435 436 437 438 439 440 441 442 443 444 445 > >>