Ereyga Maanta: karkoor
dingiigsad ld dangiigsasho.
dingiigsasho ld dangiigsasho.
dingiigsi ld dangiigsasho.
dingiigso ld dangiigso.
diniimid ld diddimid.
diniin (1) ld diddin¹.
diniin (2) ld diddin².
dinnaago Ci'weyn oo nafleyda qaarkeed samayso sida lo'da, dameeraha iwm. ld dannaago, dinnaaho.
dinnaaho ld dinnaago.
dinnaax Nagaar yar, dhulka dhagaxleyda ah ka baxa, kurtun yar u eg; aan lahayn laamo iyo caleemo oo la cuno.
dinnad Dummad; yaanyuuro.
dinnadbadeed Nooc kalluun ka mid ah.
dinnayn eeg dinnee.
dinnee U d.: neef la lisaayo, dinno siin.
dinno Caano yar oo neefka la lisayo la dhadhansiiyo si uu aad ugu godlado.
dinqi ld danaq.
dinqin ld danqid.
diq (1) 1. Raad badan. 2. D. ah: meel wax badan la dagganaa oo ciiddeedu xumaatay. 3. D. ah: biyo dhadhankoodii iyo urtoodii isbeddeleen.
diq (2) 1. Ku d.: meel cagta ku badin (xoolo, ugaar iwm). 2. Ka d.: wax aad u nicid. 3. D. ah: weel buuxa in kale ku ciriiriyid.
diqaysan Wax dhadhankoodii iyo urtoodii doorsantay ahaansho (biyo).
diqaysnaan eeg diqaysan. ld diqaysnaansho.
diqaysnaansho ld diqaysnaan.
diqdiq (1) ld diqdiqo¹.
diqdiq (2) Wadiiqo yar oo cagta dadku samayso, oo isku xirta laba guri ama guri iyo beer.
diqdiqasho eeg diqdiqo².
diqdiqayn eeg diqdiqee.
diqdiqee 1. (f.g) Cid cunno siin. 2. (f.mg) Labo meelood si joogto ah isaga socodka.
diqdiqo (1) 1. Socodka laba meelood si joogto ah laysaga socdo. 2. Waddo dhuuban; wadiiqo. ld diqdiq¹.
diqdiqo (2) Ku d.: cunto cuniddeeda ku noqnoqosho.
diqid eeg diq².
<< < 454 455 456 457 458 459 460 461 462 463 464 > >>