diyaalegtiko ld diyaaleektiko.
diyaamid ld dayaamid.
diyaan (1) ld dayaan¹.
diyaan (2) ld dayaan².
diyaar D. ah: wax u darban in ay wax qabtaan ama lagu qabto.
diyaarad ld dayuurad.
diyaargarayn eeg diyaargaree.
diyaargaraysasho eeg diyaargarayso.
diyaargarayso Wax diyaarsasho.
diyaargaree Wax diyaar ka dhigid.
diyaargaroobid eeg diyaargarow². ld diyaargarow¹ (2).
diyaargarow (1) 1. Isdiyaarinta qof isu diyaariyo wax uu rabo inuu qabto ama ku soo fool leh. 2. ld diyaargaroobid.
diyaargarow (2) U d.: wax diyaar u ah inuu wax qabto noqosho (qof).
diyaari Wax diyaar ka dhigid.
diyaarin eeg diyaari.
diyaarsan Wax la diyaariyey ama is diyaarshey ahaansho.
diyaarsanaan eeg diyaarsan. ld diyaarsanaansho.
diyaarsanaansho ld diyaarsanaan.
diyaarsasho ld diyaarso.
diyaarso Wax diyaar ka dhigasho (qof).
diyeenjeefaloon (c.nafl.) Qayb ka mid ah maskaxda oo ka kooban: epithalamus, dorsal thalamus, iyo fentral thalamus.
diyo Hanti ku waajibtay qof cid dilay oo la siiyo ehelada qofka laga dilay.
diyuuteeriyam Sumaddeedu waa D. Iskugod haydarojiin oo deggan si dabiici ahna u jira, bu'diisuna ka koobantahay hal borotoon iyo hal niyuutaroon. Markaas cuf-atamkiisu waa ugu dhawaan labanlaabka kan haydarojiinta.
doc Barbar; dhinac.
docfaruur (1) Ballanfur lagu sameeyo arrin la isku ogaa. ld gantafaruur¹.
docfaruur (2) Arrin la isku ogaa ballanfuryo ku sameyn. ld gantafaruur².
docfaruurid eeg docfaruur². ld gantafaruurid.
dockayeer Qof hadal socda, hadal aan xikmad lahayn ku darsada.
doco 1. Saxaro adkaatay xoog isaga keenid; jiirasho. 2. Jiirasho (nafley dhaleysa). ld duco².
docogeysi Tuugidda.
<< < 458 459 460 461 462 463 464 465 466 467 468 > >>