Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: liilan
doorashada dabeecada (baay) Aragtida isbeddelka ay xayawaanka, iyo dhirtu ay ku noolaadaan, ama ay ku dhintaan marka la fiiriyo awoodda ay ku qabatimaan naftooda degaanka ay ku noolyihiin.
doorasho eeg dooro². ld doorad.
dooray Neef caano yar.
doorbid Wax wax kale ka jeclaansho; fadilid.
doorbidid eeg doorbid.
doori 1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax kale dhaafin; beddelid. 3. Sarrifid (lacag).
doori (1) Ilmo yar, lo'ah oo aan hooyadii lala nuugin.
doori (2) 1. Ilmo yar oo lo'aad hooyadii siduu doono u nuugid. 2. Wax si xun ka dhigid.
dooribeyn Qalab yar oo bikaaco leh oo waxa fog muuqaalkooda soo dhaweeya.
doorid eeg door². ld door¹ (3).
doorin eeg doori². ld dooris.
doorin (1) eeg doori. ld dooris.
doorinuug ld dooritus.
dooris ld doorin.
dooriso Wax doorisa; sidii hore si ka xun ka dhigta; duf (duf iyo d.).
dooritus D. ah: neef xoolo ah oo marka ilmihiisu nuugayaan dadka iyo xoolaha kale ka fogaada. ld doorinuug.
dooro (1) 1. (u) Shimbir aan buubin, guri joog ah oo dadku manaafacaadsadaan; digaag. 2. (u) Digaagga middeeda dheddig. 3. Baaro.
dooro (2) 1. Wax xulasho. 2. Cid doorasho ku jirta codsiin.
doorroone Qof aad u wanaagsan.
doorsad ld doorasho.
doorsamid eeg doorsan¹. ld door- soomid, doorsoon¹.
doorsan (1) Wax siduu ahaa si ka duwan noqosho. ld doorsoon² (2).
doorsan (2) 1. Wax siduu ahaa si ka duwan laga dhigay ahaansho. 2. Qof maankiisu beddelen yahay ahaansho.
doorsanaan eeg doorsan². ld doorsanaansho.
doorsanaansho ld doorsanaan.
doorsasho eeg doorso. ld doorsad, doorsi.
doorshaan Cayayaan wasakh ku nool ah oo leh qolof adag, baalal iyo lix lugood; xaarwalwaal.
doorshe ld doolshe.
doorsi ld doorsasho.
doorso 1. (f.g) Wax, wax kale ku beddelasho. 2. (f.g) Wax sarrifasho (lacag). 3. (f.mg) Cudur ka bogsasho.
<< < 464 465 466 467 468 469 470 471 472 473 474 > >>