fiidsad ld fiidsasho.
fiidsasho eeg fiidso. ld fiidsad, fiidsi.
fiidsi ld fiidsasho.
fiidso Waqti fiid ah maararroobid.
fiig1 ld fiigid. fiig2 1. Neef qalo la cararid. 2. Irdhoobid. fiigaal ld fiigtaal.
fiigacarar1 ld fiigacararid. fiigacarar2 Carar aan meel loo socdo la aqoon cararid; fiigid; baydadid. fiigcararid eeg fiigcarar². ld fiig-carar¹.
fiigid eeg fiig². ld fiig¹.
fiigsan Wax la fiijiyey ahaansho.
fiigsanaan eeg fiigsan. ld fiigsa-naansho.
fiigsanaansho ld fiigsanaan.
fiigtaal 1. F. ah: neef tood ama fiige ah oo ay adagtahay in la maalo. 2. F. ah: neef didsan oo aan la qaban karin. ld fiigaal.
fiijaan ld fujaan.
fiiji Fooryid.
fiiji1 Wax didid. fiijin eeg fiiji. ld fiijis.
fiijis ld fiijin.
fiil Midab cad oo geela iyo farduhu yeshaan.
fiillo Aqal weyn oo gooni u go'an oo deyd leh.
fiilo 1. Daliigo bir ama naxaas ama macdan kale ka samaysan oo korontada la raacsiyo. 2. (muus.) Xargaha shareerada.
fiin 1. Jaad ka mid ah shimbiraha oo leh qaylo dheer oo meel fog laga maqlo, dadkuna rumaysanyahay inay ka digto colaad ama roob badan; galaw, dhebed. 2. Geed, buur iwm. meeshooda ugu sarreysa. 3. Kuul yaryar oo haweenku xirto.
fiin barbaar Findoob.
fiindhayn eeg fiindhee. ld fiindhays, fiindho.
fiindhays ld fiindhayn.
fiindhee 1. Sabuul qob ka qaadid. 2. Wax kala shaandhayn.
fiindho ld fiindhayn.
fiiq1 1. Caarad, af. 2. Qalista indhaha. 3. Qashin. 4. Meesha u sarreysa wax dheer.
page : 48 of 73
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 > >>