marakudheg Nooc cawska ka mid ah oo mirihiisu dharka ku dhegaan.
maran 1. Weel wax aan wax ku jirin ahaansho, neef irmaan wax candhada laga maray ahaansho. 2. Qof wax maskaxda laga galay ahaansho.
maranti Oori; afo.
maraq (1) 1. Meyrax la jilciyay oo geela naasaha looga maro si aan loo nuujin. 2. Fuud.
maraq (2) Hal irmaan afarteeda naas oo dhan ama qaar ka mid ah marid, si aan loo nuugin, ama loo lisin.
maraqoobid eeg maraqow.
maraqow Hilib karis ka batay awgiis maraq noqosho.
maraqsaar Miskaha geela korkooda.
maraqsad ld marqasho.
maraqsan ld marqan.
maraqsanaan ld marqanaan.
maraqsanaansho ld marqanaan.
maraqsasho ld marqasho.
maraqso ld marqo.
mararroobid eeg mararrow². ld mararrow¹.
mararrow (1) 1. Wax waqtilumis ah. 2. ld mararroobid.
mararrow (2) Waqti lumin.
marashee ld marashiyee.
marasheyn ld marashiyayn.
marasheysan ld marashiyeysan.
marasheysnaan ld marashiyeysnaan.
marasheysnaansho ld marashiyeysanaan.
marashi 1. ld marasho 1. Dharka ninku siiyo naagta uu qabo. 2. (-iyo, m.dh/-iyaal, m.l./dh) Harqoodka qaybtiisa birta ah ee dhulka gasha.
marashiyayn eeg marashiyee. ld marashayn.
marashiyee Haween la qabo marashi siin. ld marashee.
marashiyeysan Qof haween ah wax arratiran ahaansho. ld marashaysan.
marashiyeysnaan eeg marashiyeysan. ld marasheysnaan, marasheysnaansho, marashiyeysnaansh.
marashiyeysnaansho ld marashiyeysnaan.
marasho (1) Dhar ninku siiyo naagta uu qabo. ld marashi (1).
marasho (2) eeg maro. ld marad.
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 > >>