Ereyga Maanta: kelmi
dooyo 1. Col ilaala ah; duul; dad. 2. Caws waaweyn oo dooxooyinka ka baxa oo ay xooluhu daaqaan.
doqon (1) Nin aan caqli iyo garaad badan lahayn; dabbaal.
doqon (2) Haweeney aan caqli iyo garaad badan lahayn.
doqondiidsii Is d.: isxariifin.
doqondiidsiin eeg doqondiidsii.
doqonniimo ld doqonnimo.
doqonnimo Doqon ahaansho. ld doqonniimo.
doqonoobid eeg doqonow.
doqonow Doqon noqosho.
doqosh Waddo yar oo aan toos ahayn, ciriirina ah oo guryo dhexdooda marta.
doro Ciyaarta turubka marka ay laba kooxood oo iska soo horjeeda ay tiro isle'eg iska qabtaan; baatad.
dorraad Maalinta la joogo maalinteeda saddexaad ee la soo dhaafay, maalintii shalay ka horreysay. ld darraad, dorraato.
dorraato ld dorraad.
dotoor ld doktoor.
dotoornimo ld doktoornimo.
dow ld daw¹.
dowddar (1) Qof mashaqeeste ah oo aan wax laheyn. ld dawdar¹.
dowddar (2) Mashaqeyste aan wax lahayn noqosho (qof). ld dawdar².
dowddarid eeg dowddar². ld dawdarid.
dowddarnimo Dowddar ahaansho. ld dawdarnimo.
dowlad ld dawlad.
dowladnimo ld dawladnimo.
dowli (1) 1. (-iyo, m.dh) Xarig adag, dheer, oo inta wadaanta lagu xiro, ceelasha lagu shubo. 2. ld duwali (2). ld dawli¹.
dowli (2) Ceel dowli ku shubid. ld dawli².
dowlin eeg dowli². ld dawlin, dawlis, dowlis.
dowlis ld dowlin.
dowlodamiin Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Banaadir.
dowr (1) 1. Ceel biyihii ka guureen, goof, gorof. 2. (riw.) ld door. Kaalin.
dowr (2) Ceel biyihii ka guureen oo muddo qallallaa noqosho. ld dawr².
dowrid eeg dowr². ld dawrid.
<< < 466 467 468 469 470 471 472 473 474 475 476 > >>

