Ereyga Maanta: jacbursi
dunuunuc (2) ld gunuunuc².
dunuunucid ld gunuunucid.
dunyir Doonidda gabar yar oo sebi ah iyadoo galaamad lagu riwamayo.
duq (1) 1. (-qow, m.dh) Qof da'weyn. 2. (-qey/qeyti, m.dh) Qof bulsho madax u ah. 3. D. ah: wax gaboobay.
duq (2) Biciid dheddig oo curad ah.
duq (3) 1. Haweenay da'weyn. 2. Foorad, dhibic (cayaar).
duqee 1. (f.g) Hub culus meel ku garaacid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.mg) Kharabid (matoor). 4. (f.mg) Ka d.: arrin oday ka noqosho.
duqey eeg duq 1 (2).
duqeyn eeg duqee.
duqeyti eeg duq 1 (2).
duqlaal 1. Cid dulmiyid. 2. Wax juqa-juqayn.
duqlaalid eeg duqlaal.
duqnimo Duq ahaansho.
duqoobid eeg duqow³. ld duqow¹.
duqow (1) ld duqoobid.
duqow (2) eeg duq 1 (1).
duqow (3) Duq noqosho.
duqsi Cayayaan, duula, laba baal iyo lix addin leh, meelaha wasakhada ka dhasha oo ka qayb qaata faafinta cudurrada. ld daqsi, diqsi, tixsi.
duqus Nooc badarka ka mid ah, miro yaryar oo madow leh, waambaha u eg oo canjeerada laga sameysto. ld dukhun.
duqush 1. ld doqosh. 2. Luuq.
dur 1. Wax caarad dhuuban cid ku mudid. 2. Cid dawo cirbad ku siin. 3. Marag, dood, iwm. iin u yeelid.
dur (1) 1. Shilin, kumi iwm dhinaca aan sawirka lahayn. 2. Ciyaarta delebka, qoriga lagu ciyaaro dhiniciisa durka leh.
duraab (1) Biyo maax ah oo ceel ku jira.
duraab (2) Ceel maaxasho.
duraabid eeg duraab².
duray (daaw.) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.
durba D./d.diiba: si degdeg ah, la raagis la'aan, ciyow.
durbaan (muus.) Qori xordan oo labadiisa af harag khafiif ahi ku dahaaranyahay oo ciyaaraha loo tumo, cod weynna bixiya. ld gurbaan.
durbaansan Wax qaab durbaan leh ahaansho.
durbaansanaan egg durbansan. ld durbaansanaansho.
<< < 480 481 482 483 484 485 486 487 488 489 490 > >>