Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: gomosh
fariisin (2) 1. Meel xoolo ama dad la dejiyey. 2. Hantida ugu horreysa ee macallin quraan laga siiyo arday markaas loo keenay. 3. Dhanka laga fariisto lo'da marka la lisayo. 4. Mingis-seeridda marxaladda labaad. ld fadhiisin².
fariiso 1. (f.g) Salka meel saarid. 2. (f.mg) Dareere garoorid. 3. (f.mg) Ka f.: wax ka joogsasho. ld fadhiiso.
farjaawi ld jaawi².
farjaawin ld jaawin.
farjaawis ld jaawin.
farjaw ld jaawo.
farjawi ld jaawi².
farjawin ld jaawin.
farjawis ld jaawin.
farkannax (1) Dareen cabsi leh oo qofka ku dhaliya in uu wax gacmahiisa ku jira xukumi kari waayo. ld farakannax¹, fargannax¹.
farkannax (2) Dareen cabsi leh oo qofka ku dhaliya in uu wax gacmahiisa ku jira xukumi kari waayid. ld farakannax², fargannax².
farkannaxsan Wax farkannax hayo ahaansho. ld farakannaxsan, fargannaxsan.
farkannaxsanaan eeg farkannaxsan. ld farakannaxsanaan, farakannaxsanaansho, fargannaxsa.
farkannaxsanaansho ld farkannax- sanaan.
farkannixid eeg farkannax². ld farakannixid, fargannixid.
farkuddoon F. ah: wax si loo helo adagtahay; dhif, naadir. farma' m.dh.sh.r Si kedis iyo degdeg ah oo loo boodo ama loo ordo. ld farmac.
farmaajo Cunto laga sameeyo caano la garooriyey lana qallajiyay.
farmac ld farma.
farmashiye Dukaanka daawooyinka lagu iibiyo. ld farmasi.
farmasi ld farmashiye.
farmi (1) Culaab la saaro maraakiibta markay faaruqa tahay si loo dheellitiro culayskooda.
farmi (2) Markab faaruq ah si miisaankiisa la isugu dheellitiro culays saarid.
farmid ld fartoomid.
farmiyid eeg farmi².
farmuq Cid wax ku tuhmid.
farmuqid eeg farmuq.
farnaan eeg faran². ld farnaansho.
farnaansho ld farnaan.
faro 1. Wax fandharasho. 2. Cid farriin u dhiibasho.
farooley Qalab bir ah oo daab dheer oo qori ah leh oo beeraha looga shaqeeyo. ld faraley (2).
<< < 529 530 531 532 533 534 535 536 537 538 539 > >>