Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: maneysi
guri (2) 1. Nafley irmaan, maalid iyo nuugid ka dhaafid. 2. La g.: cid xumo wadda la sii wadid, si loo tuso waxyeelladeeda.
guri-kuhar Dad iyo duunyo inta jilicsan oo aan ka fogaan karin guriga hareerahiisa.
guricas Xero la degganaa oo markaas laga guurey.
gurid eeg gur. ld gurniin.
gurid (1) eeg gur². ld gurniin.
guridambays Carruur isku hooyo ah kan ugu dambeeya.
guridambaysnimo Guridambays ahaansho.
guriggal (1) ld guriggelid.
guriggal (2) Laba qof oo isguursaday markii ugu horraysay si rasmi ah guri u wada gelid.
guriggee Aroos aqalgeyn.
guriggelid eeg guriggal². ld guriggal¹.
guriggeyn eeg guriggee.
gurijoog 1. Haweeney aqalkeeda ka shaqaysa oo aan shaqo kale lahayn. 2. Xayawaanka dadka la nool, sida bisadda eeyga iwm.
gurin eeg guri².
gurisamaad Degaan barwaaqo iyo nabad leh.
guriyoobid eeg guriyow².
guriyow (1) G. ah: cudur guri noqday (nafley).
guriyow (2) Nafley cudur guri ka noqosho.
gurmad (1) 1. G. ah: gargaar degdeg ah oo cid loo fidiyo. 2. G.ka booliska: koox ka mid ah booliska oo heegan u ah meeshii ay rabsho ka dhacdo. 3. Tababar ciidameed oo waajib ku ah dhallinta qaangaarka ah ee dal u dhashay. 4. ld gurmasho.
gurmaggo'an Wax salka laga jaray ahaansho.
gurmaggo'naan eeg gurmaggo'an. ld gurmaggo'naansho.
gurmaggo'naansho ld gurmaggo'naan.
gurmaggoo Geed iwm salka ka goyn.
gurmaggoyn eeg gurmaggoo.
gurmasho eeg gurmo. ld gurmad (4).
gurmo Cid gargaar degdeg ah u fidin.
gurnaan eeg guran. ld gurnaansho.
gurnaan (1) eeg guran². ld gurnaansho.
gurnaansho ld gurnaan.
gurniin ld gurid.
<< < 667 668 669 670 671 672 673 674 675 676 677 > >>