haalhayn eeg haalhee.
haalhee Wax isu xilsaarid.
haamaan ld hamaan¹.
haamadday ld hamaday.
haamanad Naag naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid yihiin. ld hamaanad.
haami Wax si aad ah loo jecelyahay qalbi ku hayn.
haamin eeg haami.
haan (1) 1. Galowda, rubadda. 2. Weel yar, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto.
haan (2) 1. Weel aagaanka ka weyn, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto. 2. Weel weyn oo bir ama shamiinto ka samaysan oo biyaha iyo shidaalka lagu kaydsado.
haandawaco Adaahi.
haandhurwaa 1. Dhoondhurwaa; adaahi; haandawaco. 2. Buulallo weyn oo quraanyada geeedaha dushooda ka samaysata.
haaneed (1) 1. Dhinaca bidixeed ee geela laga istaago marka la lisayo. 2. Hab wanaagsan, habsami.
haaneed (2) 1. Hal iyadoo bidixda laga taaganyahay haruubka jilibka lagu hayo lisid. 2. ld haneedi. ld haaneedi.
haaneedi 1. Haaneed ka dhigid; qurxin. 2. Lisid u diyaarin (geed). 3. ld haneed².
haaneedid eeg haaneed². ld haaneedis.
haaneedin eeg haaneedi.
haaneedis Haaneedka iska taagid oo lisid (geel). ld haaneedid.
haaneedsad ld haaneedsasho.
haaneedsasho eeg haaneedso. ld haaneedsad.
haaneedso 1. Hal godlan si loo maalo isbahardaadin. 2. Hal haaneedka ka maalid iyada oo dhiilka jilibka lagu hayo ama la saarayo.
haanse Qaab qurxoon oo wax loo yeelo.
haansee Wax qurxin.
haanseyn eeg haansee.
haanseysan Wax la haanseeyay ahaansho
haanseysnaan eeg haanseysan. ld haanseysnaansho.
haanseysnaansho ld haanseysnaan.
haantaawilfid eeg haantaawilif².
haantaawilif (1) Dhibaato kala lumisa dad wada nool iyo xoolahooda.
haantaawilif (2) Cido, ama dad iyo duunyo dhibaato darteed kala lumid.
haanyoo U h.: qof, qof kale kalgacal awgiis u soo ordid.
<< < 675 676 677 678 679 680 681 682 683 684 685 > >>