Ereyga Maanta: dhugmo
shiilo 1. Subag ama saliid wax ku bislaysasho. 2. Burcad-dhalaalsasho.
shiimo 1. Sh. ah: meel kayn ah. 2. Sh. ah: meel dadka ama xooluhu ku badanyihiin oo buuq badan. ld sheemo.
shiin Xarafka laba iyo tobnaad ee farta carabiga ah.
shiiq 1. Xumbo hoos u dhicid. 2. Wax buuran ama dabayl ka buuxdo yaraansho.
shiiqid eeg shiiq.
shiiqiye (baay.) Hiddo barasho ahaan, sharaxaadda aliil, kaas oo awood badan leh marka laba aliil oo kala duwan oo hiddoside laga helo unugyo noole. Tusaale ahaan: dhererka geed salbuka ah waxa xukuma laba aliil, dheer (T) iyo cillinnimo (t). Marka labadooduba ay jiraan (Tt), taas macnaheedu waxa weeye, haddii ay unugyadu kala kaa-nyihiin, geedku wuu dheeryahay, maadaa-me “T” ay tahay shiiqiye “t”na ay tahay shiiqsane.
shiiqsad ld shiiqsasho.
shiiqsane (baay.) Aliil aan awood badan lahayn, marka laba aliil oo kala duwan laga helo unugyada noole.
shiiqsasho eeg shiiqso. ld shiiqsad, shiiqsi.
shiiqsi ld shiiqsasho.
shiiqso Quwaax iwm iyadoo la calalinayo dhacaan ka nuugid.
shiir (1) Ur aan aad u qurmuunayn sida kan dhididka dadka iwm.
shiir (2) Shiir yeelasho.
shiiraar Awr raran aad u daalid.
shiiraarid eeg shiiraar.
shiiraarsan Rati raran wax aad u daalay ahaansho.
shiiraarsanaan eeg shiiraarsan. ld shiiraarsanaansho.
shiiraarsanaansho ld shiiraar-sanaan.
shiiran Nooc kalluunka ka mid ah.
shiirid eeg shiir².
shiis (jool.) Dhadhaab dhalan rogan oo u kala jajabi karta saxanno badan oo fidsan khafiifna ah (thin plates) kulka badan iyo cadaadiska dartood.
shiish (1) 1. (-shash, m.l) Kurtun yar, bir ah oo ka soo taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo marka wax la nishaabayo iyada iyo fantax yar oo iyaduna buntukha meel dhexe oo hore kaga taal laysku abbaaro. 2. Nishaab; toog.
shiish (2) Wax nishaabid.
shiish-bibanji ld banji-bishiish.
shiish-bibiish ld banji-bibiish.
shiish-bicaddaan ld caddaan-bishiish.
shiish-bidooh ld dooh-bishiish.
shiish-bijoohaar ld joohaar-bishiish.
shiish-bisaliim ld saliim-bishiish.
shiish-biyeeg ld yeeg-bishiish.
<< < 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 > >>