Ereyga Maanta: dhaniimid
halyey 1. Uubatada keeda lab. 2. Geesi, wabar.
ham H. dheh/ h. siin: cod lagu muujiyo cantuugo aad u weyn samayn.
hamaan (1) Nin naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid tahay. ld haamaan.
hamaan (2) Mushkilo xallinteeda kari waayid. ld hamaanso (3).
hamaanid eeg hamaan². ld hamaan-sad, hamaansasho, hamaansi.
hamaansad ld Hamaansasho; hamaa-nid.
hamaansasho eeg hamaanso. ld Hamaansi; hamaanid.
hamaansi ld hamaansasho.
hamaanso 1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. ld hamaan².
hamaday Dhaxan aad u badan oo markay timaado geedaha qalajisa. ld haamadday.
hamag 1. ld amag. 2. (sh.r) Cod lagu muujiyo dhicitaan.
hambaabir Hurdo degdeg uga soo boodid; baraarugid.
hambaabirid eeg hambaabir.
hambaabuq Caabuq.
hambaas (1) ld hambaasid.
hambaas (2) Ku h.: hawl waqti isku dhaafin.
hambaasi Cid maaweelin.
hambaasid eeg hambaas². ld hambaas¹.
hambaasin eeg hambaasi.
hambabar Hurdo si degdeg ah uga soo boodid naxdin darteed; baraarugid.
hambabarid eeg hambabar.
hambad ld hambasho.
hambalaal Kalluunku meesha uu ka neefsado oo dhegaha ka hooseysa.
hambalaalaq (1) 1. Kala daadsanaan. 2. ld humbuluuluq¹.
hambalaalaq (2) 1. Cid kala daadsanaansho. 2. ld humbuluuluq².
hambalaalaqid 1. eeg hambalaalaq². 2. ld humbululuuqid.
hambalaalaqsan Wax kala daadsan ahaansho.
hambalaalaqsanaan eeg hambalaa-laqsan. ld hambalaalaqsanaansho.
hambalaalaqsanaansho ld hamba-laalaqsanaan.
hambalyayn eeg hambalyee.
<< < 698 699 700 701 702 703 704 705 706 707 708 > >>