Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: salladan
halwo Ku h.: Wax, wax ka weyn ku dhex shubmid ama ku dhex dhicid.
halxiraale Su'aal adag oo sarbeeban oo ka jawaabiddeeda laysku xujeeyo.
halyey 1. Uubatada keeda lab. 2. Geesi, wabar.
ham H. dheh/ h. siin: cod lagu muujiyo cantuugo aad u weyn samayn.
hamaan (1) Nin naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid tahay. ld haamaan.
hamaan (2) Mushkilo xallinteeda kari waayid. ld hamaanso (3).
hamaanid eeg hamaan². ld hamaan-sad, hamaansasho, hamaansi.
hamaansad ld Hamaansasho; hamaa-nid.
hamaansasho eeg hamaanso. ld Hamaansi; hamaanid.
hamaansi ld hamaansasho.
hamaanso 1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. ld hamaan².
hamaday Dhaxan aad u badan oo markay timaado geedaha qalajisa. ld haamadday.
hamag 1. ld amag. 2. (sh.r) Cod lagu muujiyo dhicitaan.
hambaabir Hurdo degdeg uga soo boodid; baraarugid.
hambaabirid eeg hambaabir.
hambaabuq Caabuq.
hambaas (1) ld hambaasid.
hambaas (2) Ku h.: hawl waqti isku dhaafin.
hambaasi Cid maaweelin.
hambaasid eeg hambaas². ld hambaas¹.
hambaasin eeg hambaasi.
hambabar Hurdo si degdeg ah uga soo boodid naxdin darteed; baraarugid.
hambabarid eeg hambabar.
hambad ld hambasho.
hambalaal Kalluunku meesha uu ka neefsado oo dhegaha ka hooseysa.
hambalaalaq (1) 1. Kala daadsanaan. 2. ld humbuluuluq¹.
hambalaalaq (2) 1. Cid kala daadsanaansho. 2. ld humbuluuluq².
hambalaalaqid 1. eeg hambalaalaq². 2. ld humbululuuqid.
hambalaalaqsan Wax kala daadsan ahaansho.
hambalaalaqsanaan eeg hambalaa-laqsan. ld hambalaalaqsanaansho.
<< < 698 699 700 701 702 703 704 705 706 707 708 > >>