Ereyga Maanta: cawaarso
hiif (1) Ereyo huruuf ku jiro oo loo jeediyo cid aan la jeclayn. ld huuf¹.
hiif (2) Ereyo huruuf ku jiro cid aan la jeclayn u jeedin. ld huuf².
hiifid eeg hiif². ld huufid.
hiig Harag, suun iwm hiige ku xoqid.
hiigasho eeg hiigo.
hiige Qori, bir iwm oo hargaha, saamaha iwm lagu jilciyo.
hiigid eeg hiig.
hiigo Meel isku xoqid (xoolo)
hiihiile Mariid waabaayo daran leh.
hiijo Nac iyo colaad ku dhalata qof wax la gaarsiiyo.
hiil Digo xoolaad oo uruurtay.
hiil (1) Taageero la siiyo laba qof ama ka badan oo wax isku haysta midkood. ld hiillo.
hiil (2) ld hiili.
hiilee Dab iwm hiil ku shubid.
hiileyn eeg hiilee.
hiileysan Wax la hiileeyay ahaansho.
hiileysasho eeg hiileyso.
hiileysnaan eeg hiileysan. ld hiileysnaansho.
hiileysnaansho ld hiileysnaan.
hiileyso Dab iwm hiil ku shubasho.
hiilgurasho eeg hiilguro.
hiilguro Meel dhow u guurid.
hiili Qof, qof kale uga danaanin. ld hiil², hiilli.
hiilid ld hiilin.
hiilin eeg hiili. ld hiilid, hiilis, hiillin, hiillis.
hiilis ld hiilin.
hiiliyam (kiim.) Neef hal atamle ah oo midab aan lahayn; xubinta ugu horreysa neefaha wahsada (ururka 0 ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
hiilley Meesha ay sagaaradu si joogto ah ugu saxarooto.
hiilli ld hiili.
hiillin ld hiilin.
<< < 730 731 732 733 734 735 736 737 738 739 740 > >>