Ereyga Maanta: keni
hogasho eeg hogo². ld hogad.
hogatus (1) 1. Tusaale cid arrin laga siiyo. 2. Sawir iyo wax u eg oo wax lagu muujiyo.
hogatus (2) Cid wax tusaalayn.
hogatusaalee ld hogotusaalee.
hogatusaaleyn ld hogotusaalee.
hogatusid eeg hogatus².
hogbad ld hogbasho.
hogbasho eeg hogbo. ld hogbad.
hogbo U h.: wax samayntooda isku deyid.
hogdhagax 1. Meel hog ah oo dhagaxa laga guro. 2. Meesha dhagaxa lagu gubo si nuurad looga dhigo.
hogee Hilib hog ku bislayn.
hogeyn eeg hogee. ld hogeys.
hogeys ld hogeyn.
hogeysad ld hogeysasho.
hogeysan Wax hog lagu bisleeyey ahaansho.
hogeysasho eeg hogeyso. ld hogey-sad, hogeysi.
hogeysi ld hogeysasho.
hogeysnaan eeg hogeysan. ld hogeys-naansho.
hogeysnaansho ld hogeysnaan.
hogeyso Wax hog ku bislaysasho.
hoggaami 1. Awr hoggaan ku wadid. 2. Dad hor kicid ama meel tusid. 3. Wafdi, hay'ad iwm madax u noqosho.
hoggaamin eeg hoggaami. ld hoggaamis.
hoggaamis ld hoggaamin.
hoggaamiye 1. ld hoggaanshe. Qof dad hor kaca. 2. Qof wax maamula.
hoggaan 1. Xarigga awrta la rarto luqunta iyo madaxa lagaga xiro oo lagu wado. 2. Maamul sare ee hay'ad dowladeed u qaabilsan arrimo gaar ah. 3. Qof howl-wadeen ah.
hoggaansamid eeg hoggaansan¹.
hoggaansan (1) Wax arrin, xeer iwm oggol noqosho (qof).
hoggaansan (2) 1. Wax xeer, arrin iwm oggol ahaansho (qof). 2. Wax hoggaan lagu wado ahaansho (awr).
hoggaansanaan eeg hoggaansan². ld hoggaansanaansho.
hoggaansanaansho ld hoggaansa-naan.
<< < 741 742 743 744 745 746 747 748 749 750 751 > >>