huruushadid eeg huruushad.
huruusho Wax dhuxul noqday.
huruushoo Dhuxul noqosho (wax dab ku gubtay).
huruushood eeg huruushoo.
huryo 1. Dawacada keeda dheddigga ah. 2. Shimbir yar oo ganfuur cas oo geela garbaha ka cunta; jirri.
hus Aammus!; shib dheh!; us.
huubo 1. Meel qatar ah. 2. God aan si fiican loo arki karin oo lagu dhici karo. 3. Gufarka weel salkiis ku hara.
huuf (1) ld hiif¹.
huuf (2) ld hiif².
huufid 1. ld hiifid. 2. Qof soo orday neef gurid.
huufsan Wax soo orday oo neeftuuraaya ahaansho.
huufsanaan eeg huufsan. ld huufsanaansho.
huufsanaansho ld huufsanaan.
huugaan Daruur.
huumammow ld hiimammow.
huumammowsad ld hiimammowsasho.
huumammowsasho ld hiimammowsasho.
huumammowsi ld hiimammowsasho.
huumammowso ld hiimammowso.
huunfey Haad hilib cun ah oo wax dafa.
huunyo Deris ku nool yaryar oo digaagga gasha.
huuq Nagaar aan caleen lahayn laamihiisu qodax leeyihiin, wada buruq ah, oo arigu aad u jecelyahay.
huur (1) Kulayl hawo la'aani keentay.
huur (2) (fiis.) Xaaladda gibilka marka la eego uumi biyoodka ku jira hawada.
huur (3) Nafley kulayl dareemid.
huur-beeg (fiis.) Qalab loo sameeyay in lagu cabbiro huur u eegidda (huurka la isu eegayo hawada inta ku jirta uumi biyood iyo inta ay qaadi karto) gibilka.
huur-tuse (fiis.) Qalab tusinaya isbeddellada huurka hawada, habka tusinta wuxuu u adeegsadaa isbeddellada ku dhaca muuqaalka iyo addimada walax.
huur-u-eegid (fiis.) Saamiga u dhexeeya xaddiga dhabta ah ee uumibiyooodka ku jira mug lagu siiyay ee hawada ah iyo xaddiga ku jiri lahaa iyadoo heerkulku isku midyahay, badanaa waxaa lagu tibaaxaa boqolley.
huuri (1) Gaadiid badeed yar, bedenka ka yar oo lagu kalluumaysto.
huuri (2) 1. Wax meel aan dabayl lahayn dhigid. 2. Cid xabbisid.
<< < 764 765 766 767 768 769 770 771 772 773 774 > >>