ilma-abti 1. Nin iyo naag walaalo ah ilmaha ay dhaleen waxa ay isu yihiin. 2. Ilmo waxa ay u yihiin carruurta eedadood dhashay.
ilma-adeer Ilmaha laba nin oo walaala ah ay dhaleen waxa ay isu yihiin.
ilma-eeddo Ilmo waxa ay u yihiin carruurta abtigood dhalay.
ilma-habreed Laba haween oo wada dheshay ilmahooda waxa ay isuyihiin. ld ilma-aayo.
ilmadow Qof tabar yar oo taakulo u baahan.
ilmadownimo Ilmadow ahaansho (qof).
ilmaggaleen (c.nafl.) Xubinta nafleyda dheddiga ahi ilama ku siddo inta ay ka dhaleyso; min.
ilmaqabato Wax aad u yar oo aan indhaha lagu arki karin in weyneysa loo adeegsado mooyee.
ilmarin Eegmo si aad ah aan wax loo fiirin.
ilmarooje Dullaal.
ilmarooji U i.: qof u iljebin.
ilmaroojin eeg ilmarooji.
ilmarrogad ld ilmarrogasho.
ilmarrogasho eeg ilmarrogo. ld ilmarrogad.
ilmarrogo Minka gudihiisa isku gediyid (uurjiif).
ilmasid ld ilmasideen.
ilmaside ld ilmasideen.
ilmasideen Ilmaggaleen. ld ilmasid, ilmaside.
ilmayn eeg ilmee.
ilmee 1. Ilmo iska keenid. 2. Beydad faal badin. 3. Caruurr iska dhigid.
ilmilicsi ld Ilbiriqsi; ld milicsi.
ilmiliqsi ld ilbiriqsi.
ilmirigle 1. I. ah: qof miskiinnimo aad ah ka muuqato. 2. ld ilmirigleyn.
ilmiriglee Si miskiinnimo ku jirto wax u fiirin.
ilmirigleyn eeg ilmiriglee. ld ilmirigle (2).
ilmo (1) Dhallaan; caruur; ubad.
ilmo (2) Dhibco biyo dhanaan ah oo qanjirrada indhaha ka yimaadda; ilin.
ilmo-calooleed (c.nafl.) Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka korrinkiisu gaadho heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu dhalanayo waxaa la idhaahdaa ilmo calooleed.
ilmooley Haweeney carruur badan oo yaryar leh.
ilmud (daaw.) Cudur indhaha ku dhaca oo ilma badan ka keena.
<< < 781 782 783 784 785 786 787 788 789 790 791 > >>