nabraysnaansho ld nabarraysnaan.
nabrayso Jir nafley nabro yeelasho.
nabrid eeg nabar².
nabsi (1) 1. Hoog iyo dhibaato lagu abaal mariyo qof abaaldarnaaday ama ballan furay. 2. Hoog iyo dhibaato uu la kulmo qof eed galay.
nabsi (2) Nabsi ku reebid.
nabsiyid eeg nabsi².
nabyo Been iyo fal aanay samayn oo cid lagu sheego. ld nab.
nac (1) Colaad uurka la isugu hayo; nacayb.
nac (2) 1. Rabid la'aan. 2. Is n.: quus iyo rajo la'aan.
nacaal 1. Masaabir sal buuran oo xagga hoose lagaga taxo kabaha. 2. Bir qoobabka fardaha lagu dhejiyo.
nacab 1. Cadow; xaasid. 2. Qof aan naxariis lahayn.
nacala-abuugto Farshiid; dhalo yar.
nacalad (1) Caro Eebbe dusha ka saaro cid caasidey. ld lacanad¹, lacnad¹, nacallad¹, nacalle, nacdal¹.
nacalad (2) 1. Caro Eebbe cid caasidey ku dhicid. 2. Cid cay iyo eedayn u jeedin. ld lacanad², lacnad², nacallad², nacdal².
nacaladaysan 1. Wax nacalad ku dhacday ahaansho. 2. Wax aad loo ceebeeyay ahaansho. ld lacanadeysan, lacnadeysan, nacalladeysan.
nacaladee 1. Eebbe cid nacalad ku ridid. 2. Cid xumaan weyn ku tilmaamid; ceebayn. ld lacanadee, lacnadee, nacalladee, nacdalee.
nacaladeyn eeg nacaladee. ld lacanadeyn, lacnadeyn, nacalladeyn, nacdaleyn.
nacaladeysnaan eeg nacaladeysan. ld lacanadeysnaan, lacanadeysnaansho, lacnadeysnaan.
nacaladeysnaansho ld nacaladeysnaan.
nacaladid eeg nacalad². ld lacanadid, lacnadid, nacalladid, nacdalid.
nacaladoobid eeg nacaladow. ld lacanadoobid, nacalladoobid.
nacaladow 1. Qof nacaladi ku dhacday noqosho. 2. Qof aad loo ceebeeyey noqosho. ld lacanadow, nacalladow.
nacallad (1) ld nacalad¹.
nacallad (2) ld nacalad².
nacalladee ld nacaladee.
nacalladeyn ld nacaladeyn.
nacalladeysan ld nacaladeysan.
nacalladeysnaan ld nacaladeysnaan.
nacalladeysnaansho ld nacaladeysnaan.
nacalladid ld nacaladid.
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>