Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: dharabsad
isgoyska dareenwadaha aragtida (isgoysyo ..., m.dh) (daaw.) Labada dareenwade ee aragtida oo mid il ka yimid meesha ay isku gooyaan oo ku beegan xarriiqda maskaxda kala barta una dhow qanjirdhiiqa “bitwitariga” dareenwada-yaasha ka yimaada xuubka aragtida (reetina) dhankiisa sanka xiga ee il walba waxay kudarsamaan dareenwadayaasha ka yimaada xuubka aragtida (reetina) dhankiisa dibedda xiga ee isha kale. Cadadka aragtida oo ka sameysma isku darsankaas kaddib waxay kala nadan qoqob maskaxeedka jeegada ee labada dhinac.
ishaafalad Waxa la falayo ama la qabo kolka lagu xiro hadba saha joogaa siduu yahay.
ishaafalatayn eeg ishaafalatee.
ishaafalatee Wax dan laga leeyahay iska hubin.
ishaafalato Hubinta la hubiyo wax dan laga leeyahay.
ishaar 1. Wax tilmaamid iyadoo farta lagu fiiqayo. 2. Wax saadaalin.
ishaarid eeg ishaar.
ishaaro Saadaalinta wax aan weli dhicin la saadaaliyo.
ishin 1. ld ishkin. 2. Ugaarta waaweyn, gaanni.
ishiqaate Qof arrimaha uu la kulmo wixii u dan ah ka yeela.
ishkin Geela iyo lo'da (xoolo). ld ishin (1), isjin.
ishtiraaki Qof ishtiraakiyadda rumaysan.
ishtiraakiyad Hawl-iyo-hantiwadaag.
isim Magac. ld isin.
isin ld isim.
isir 1. Asalkii hore ee nafleydu ka soo farcantay. 2. Taranta laba tibxood iyo wixii ka badan.
isir ay wadaagaan (xis.) Tirada isir ahaan ay u wadaagaan laba ama dhowr tiro, tusaale ahaan 4 iyo 6 waa isirrada ay wadagan 24 iyo 36 (eeg qaybshaha ay wadaagaan).
isir-u-dhaleen Ka dhaxlidda wax sida foolxumo, qurux, geesinnimo iwm laga dhaxlo awoowyaashi hore.
isirwadaag (1) Isirwadaag ahaansho.
isirwadaag (2) Dad awoowyaashoodii hore wada dhasheen.
isjiidasho ld is-haysasho.
isjin ld ishkin.
iska-celin-dembiile (qaan.) Marka qof la qabto oo ahaa burcad ama shufto oo loo celiyo dawladdii uu dambiga ka galay.
iskaambe 1. (c.nafl.) Xayawaan badeed midabkiisa caddaan iyo casaan isugu jira yahay oo dusha qolof ku leh jirkiisuna xubno-xubno u qeybsanyahay. 2. (c.nafl.) Nafley badda ku jirta oo jaadad badan ah oo hilibkooda aad loo jeecelyahay; kaambe.
iskaashato Dad ururay oo xoog iyo hantiba wadaaga.
iskadhal 1. I. ah: qof labadiisa waalid aysan isku jiinsiyad ahayn. 2. I. ah: qof labadiisa waalid ay isku qoys yihiin.
iskafaale Qalab leh qaanado furan oo saf ahaan isu dul saaran oo alaab, buugag iwm la saaro.
iskahorimaad (1) 1. Is qaabilidda ay is qaabilaan laba kooxood oo qilaaf ka dheexeyo. 2. Isburin.
iskahorimaad (2) Laba shay oo iskaga soo horjeeda si toos ah.
iskayeelyeel (1) ld isyeelyeel¹.
<< < 797 798 799 800 801 802 803 804 805 806 807 > >>