jaawi (1) ld jaawe.
jaawi (2) 1. ld farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub).
jaawin eeg jaawi². ld farjaawin, farjaawis, farjawin, farjawis, jaawis.
jaawis ld jaawin.
jaawo 1. ld farjaw. Isku xoqidda suulka iyo farta si ay shanqar u sameeyaan iyadoo nafley loogu baaqayo. 2. Suul-dhabaale la sameeyo marka turub laga yamxeerinayo.
jaawqarrer (1) ld jaaw.
jaawqarrer (2) Cudur raafka gala oo dillaacyo u yeela gaadid (ari).
jaawqarrerid eeg jaawqarrer².
jaawqarrir ld jaaw.
jaaxid Nin bareer iyo ogaal wax u asaraara, wax u inkira.
jaay ld jay.
jab (1) 1. Wax qaybsamay ama burburay in ka mid ah. 2. Lafaha, qoryaha iwm kala go' ama dillaac ku dhaca. 3. Fal natiijo xumi ka soo baxdo.
jab (2) (daaw.) Jab lafeed oo dhammeystiran ama bacran ah.
jab (3) 1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.
jabad Berrin waa hore laga guurey oo ooddii raadkeedii weli yaal. ld jabo.
jaban 1. Wax jab gaarey ahaansho. 2. Wax qiimahoodu hoos u dhacay ahaansho (badeeco).
jabaq (1) Shanqar yar. ld yabaq¹.
jabaq (2) (fiis.) Gariirka dhex maraya dhextaal loodsame ah, lehna rakaad iyo itaal nashaadin kara dareenka maqalka ee dhegta aadamaha. Rakaadka jabaqdu waxa uu u dhexeeyaa. 20 --> 20,000 heertis, waana gaalis maqalka.
jabaq (3) Shanqar yar samayn. ld yabaq².
jabbu (muus.) Durbaan laba af ka daloola oo harag xallafsan ku rogan.
jabdhan Hilib solay ah oo googo'an.
jabhad (1) Qof ka mid ah urur u dagaallama xurriyad iyo madaxbannaani
jabhad (2) 1. Weji. 2. Urur u halgama xurriyad iyo madaxbannaani.
jabi ld jebi.
jabid eeg jab². ld jabniin, jebid.
jabin ld jebin.
jabis ld jebin.
jabnaan eeg jaban. ld jabnaansho.
jabnaansho ld jabnaan.
jabniin 1. Wax is haystey oo kalajab ku dhecay. 2. Meesha nabarka wax jebshey ku dhacay. 3. ld jabid.
<< < 812 813 814 815 816 817 818 819 820 821 822 > >>