Ereyga Maanta: mililikh
baatulan (2) Wax la baatulay ahaansho (hanti).
baatulid eeg baatul². ld baatul¹.
baatulmid eeg baatulan¹.
baatulnaan eeg baatulan². ld baatulnaansho.
baatulnaansho ld baatulnaan.
baawasiir ld bawaasiir.
baawee War qarsodi ku haboon faafin. Tus. “Cali ayaa dadkii nagu baaweeyey”.
baaweyn eeg baawee.
baaxaaddeg (1) ld baaxaadeg¹.
baaxaaddeg (2) ld baaxaadeg².
baaxaaddegan ld baaxaadegan.
baaxaaddegid ld baaxaadegid.
baaxaaddegnaan ld baaxaadegnaan.
baaxaaddegnaansho ld baaxaadegnaan.
baaxaadeg (1) Degganaan la'aan joogto ah. ld baaxaaddeg¹.
baaxaadeg (2) Degganaan la'aan joogto ah la kulmid. ld baaxaaddeg².
baaxaadegan Wax la kulmay degganaan la'aan joogto ah ahaansho. ld baaxaaddegan.
baaxaadegid eeg baaxaadeg². ld baaxaaddegid.
baaxaadegnaan eeg baaxaadegan. ld baaxaaddegnaan, baaxaaddegnaansho, baaxaadegnaansh.
baaxaadegnaansho ld baaxaadegnaan.
baaxad Ballac.
baaxadsoore Meesha baaxadda bartankeeda ah; wax fidsan oo ballaaran wadaagihiisa; dhex; bartame.
baaxeer Qof bashaash ah.
baay (xis.) Saamiga uu meeriska goobo kasta la sameeyo dhexroorka goobada. Seebid ahaan waxay le'egtahay, 3.14159. waa tiro ka sarreysa garashada qiimaheeda dhabta ah lama qori karo haseyeeshee waa la cabbiri karaa ilaa heer saxnimo.
baayac (1) ld baayacid.
baayac (2) Wax ganacsi u yaal qiimahooda weyddin; gorgorin.
baayacad Weyddiinta qiimaha wax ganacsi u yaal. ld baayacasho.
baayacasho eeg baayoco. ld baayacad.
baayacmushtar (1) ld Biicmushtarid; biicmushtari.
baayacmushtar (2) ld biicmushtar².
<< < 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 > >>