boohise Codbaahiye.
boojaal Digaag aan weli curan.
boojay Maroodi yar oo caanannuug ah.
booji 1. Qof madax furasho laga rabo xoog ku kaxayn; afduubid. 2. Gabar guur laga rabo xoog ku kaxayn si loo soo mehersado; dhicid.
boojimo Gabar xoog lagula baxay oo aan yarad laga bixin.
boojin eeg booji.
boojis Qof hubeysan oo si sharci darro u laaayo ugaarta si uu uga ganacsado haraggooda, iliggooda iwm.
boojisnimo Boojis ahaansho.
boolaboolo Shimbir dabaalata oo badanaa midabkeedu cadyahay. ld boolamboolo.
boolamboolo ld boolaboolo.
boolaxooftayn ld boolixooftayn.
boolaxooftee ld boolixooftee.
boolaxoofto ld boolixoofto.
boolayn eeg boolee. ld boolo.
boolbare ld boodhar.
boolbire ld boodhar.
booldhannimo Booldhe ahaansho.
booldhe Dhasha biciidka.
boolee Ciyaar turub haad u boqrid.
booli (1) Hanti qof lahaa oo qof kale si sharci darro ah u milkiyo.
booli (2) Hanti qof lahaa, qof kale si sharci darro ah ku milkiyid.
boolibabtaydh (baay.) Iskudhis orgaanig ah oo ka yimaada amiino asiidho isugu xidhmay dariiqadda xarfinta. B.adu waxay isugu xidhmaan si ay u sameeyaan borotiino.
boolicun Qof hanti booli ah ku dhaqma. ld boolicune, booliquute.
boolicune ld boolicun.
booliis ld boliis.
booliquute ld boolicun.
boolixooftayn eeg boolixooftee. ld boolaxooftayn.
boolixooftee U b.: faan iyo hanjabaad cid u jeedin. ld boolaxooftee.
boolixoofto Faan iyo hanjabaad been ah oo cid loo jeediyo. ld boolaxoofto.
boolo Ciyaarta turubka, hadba marka la dheelayo haadka loo boqro. ld boolayn.
<< < 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 > >>