Ereyga Maanta: silqo
kabrar (2) Nabar caalirid.
kabrarid eeg kabrar².
kabrarro Geed quwaax gaaban, xagarka u eg oo leh asal wanaagsan. ld gabrar.
kabriid Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. ld kebriid, kibriid.
kabro Xeego.
kabsad ld kabsasho.
kabsar Nagaar caleemo yaryar oo cunnada lagu udgisto. ld kabsaro.
kabsaro ld kabsar.
kabsasho eeg kabso. ld kabsad, kabsi.
kabsi ld kabsasho.
kabsid 1. Midiidinka liita oo kabaha dadka u qaada; kabaqaad. 2. Qof aan ra'yigiisa ku meel mari karin oo had iyo jeer cid ku tiirsan.
kabso 1. (f.g) Kabo illasho. 2. (f.mg) Ka k.: dhibaato cid ku dhacday ka barbixid.
kabtan Sarkaal saddex xiddigood leh; dhamme.
kabti (1) 1. Orod xoog loo ordo ilaa laga xiiqo; fagax. 2. Fogaan qof ku xiiqo.
kabti (2) Ilaa laga xiiqo xoog u ordid.
kabtin Masaafo aad u dheer.
kabtiyid eeg kabti².
kabud Cudur oogada u yeela nabarro badan oo buurbuuran oo baruur adag ah.
kabuubyo Dareemaha xubnaha jirka midkood oo is dhimma waxyeello darteed lana dareemo jiriiricyo.
kabuubyoo Kabuub-yoo dareemid.
kabuubyood eeg kabuubyoo.
kac 1. Istaagid, joogsasho, sarakicid. 2. Maalbeelid, khasaarid. 3. Roob da'ayey qaadid. 4. U k.: tegid, aadid. 5. Ula k.: kas u yeelid; maagid. 6. Ku k.: yeelid, samayn.
kacaamayn eeg kacaamee. ld ka-caamin.
kacaamee 1. Cid kacaan ka dhigid. 2. Wax cusbooneysiin. ld kacaami.
kacaami ld kacaamee.
kacaamid eeg kacaan². ld kacaan¹ (4).
kacaamin ld kacaamayn.
kacaan (1) 1. Isbeddel hawada gala oo keena kuleyl iyo daruuro badan oo muujinaya saadaal roob. 2. Isbeddel siyaaso, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ku dhaca; tawrad. 3. Hiyikaca ku dhaca qof safar raba inuu galo. 4. ld kacaamid.
kacaan (2) 1. Hiyi kicid. 2. Hawo isbeddelid.
kacaanad K. ah: haweenay kacaan ah.
<< < 870 871 872 873 874 875 876 877 878 879 880 > >>