Ereyga Maanta: mudniin
kakanaan eeg kakan. ld kaka-naansho.
kakanaansho ld kakanaan.
kakanaanta beerka (daaw.) Xaalad beerku buko oo ay ka dhex sameysmaan karrimo sooh mayraxeed ah kuwaasoo ay ku dhex yaallaan jasiirado ka sameeysan unugyo soo badanaya oo beddalaya kuwi dhintay. Beerku wuxu yeeshaa midab hurdi madow ah iyo kuus-kuus.
kakoon Sacab aan buuxin.
kal (1) 1. Waa; goor; sano. 2. Miile.
kal (2) 1. Hiyi; laab; qalbi. 2. Lafaha dhudhammada midkood. 3. Tibta mooyaha wehelisa ee badarka lagu tumo ama awrta lagu raro. 4. Meel ballaaran oo biyuhu galaan.
kal (3) (jool.) Qayb ka mid ah taxanaha waqti jiyoolojiyeedka, oo ah in ka mid ah waaga, kal naftigiisa waxaa loo sii qayb-qaybiyaa saman-saman.
kal-dibadeedka dhudhunka (c.nafl.) Kalka xagga dibedda xiga ee dhudhunka. kale s. 1. Dheeraad ah, aan la mid ahayn. 2. Oo k.: sidiis, camal. Tus. “Waa aabbihiis oo kale”. ld aleto. kaleto s. ld kale.
kal-xawaaji Kal yar oo xawaajka, haylka iwm lagu tumo.
kala 1. Qurub tilmaamaya wax ka durkid ama ka soocmid. Tus. “Way kala tegeen. Kalluunka yaa kala yaqaan?”. 2. Qurub tilmaamaya ka gooni ahaansho. Tus. “Way kala fiicanyihiin”.
kala-dheereynta-dhalmada (daaw.) Ka hortagidda uur qaadidda lama filaanka ah.
kala-durug-qaaradeed (jool.) Kala sikashada gudubka qaybo ka mid ah qaaradihii hore, kuwaas oo sameeyay dhul-weynaha qaaradaha dunida ee maanta.
kala-faa'iidaysi (baay.) Xidhiidhka ka dhexeeya laba ama in ka badan oo sinjiyo ah, kaas oo labaduba ka faa'iidaysanayaan. Mararka qaarkood labada sinji midna ka kale la'aanti ma noolaan karo, mararka qaarkoodna midba ka kale la'aantii wuu noolaan karaa.
kala-furan (kiim.) Dumid ku dhacda molikuyuul una kala furta laba molikuyuul, laba atam, laba xididshe ama laba ayoon.
kala-hanqaaran (1) Wax kala lumay oo aan dhammayn noqosho.
kala-hanqaaran (2) Wax kala lumay oo aan dhammayn ahaansho.
kala-hanqaarmid eeg kalahan-qaaran¹.
kala-hanqaarnaan eeg kalahan-qaaran². ld kala-hanqaarnaansho.
kala-hanqaarnaansho ld kalahan-qaarnaan.
kala-jaad K. ah: ka kooban noocyo kala geddisan.
kala-jeexid Jeexid ama qalid noole, si loo muujiyo anatamiga xubnihiisa had iyo jeerna waxa loo adeegsadaa xirfad ahaan iyo aqoon korodhsi ama baadhis cilmi ah.
kala-kaan (kiim.) Wax la xidhiidha in ka badan hal weji. Iskujir kala kaan ah, tusaale ahaan, wuxuu ka koobanyahay laba ama dhowr weji oo kala muuqda.
kala-rog (juqr.) Xariiq xuduudeed kacsan oo kala soocda durdurrada waaweyn kuwaasoo laag u ah saxan webiyo kalageddisan.
kalaamidiya (daaw.) Jeermi u dhexeeya fiiruska iyo baktiiriyada oo jirro u keena dadka iyo shimbiraha cudurrada shimbiraha oo ay keento kalaamidiyadu waxaa loo gudbin karaa dadka, cudurka indhaha ee tarakooma waxa keena “kalaamidiya trachomatis”.
kalaan Hadal.
kalaankal Hilib cadad yar yar laga dhigo oo la kariyo.
kalaawi Hilib la jarjaray dheecaan dab kaga saarid.
kalaawin eeg kalaawi.
kalabbar (1) 1. Laba meelood meel dhex dhexaad u ah. 2. Laba qeybood oo isle'eg wax loo qeybiyey qeybtood. 3. Wax muggiisii bar ku jiro.
kalabbar (2) Labo meelood oo isle'eg u qaybin.
<< < 876 877 878 879 880 881 882 883 884 885 886 > >>