Ereyga Maanta: tabatabbo
kalafujin eeg kalafuji. ld kalafujis.
kalafujis ld kalafujin.
kalafuq (1) Is dayn laba shay oo isku dhegganaa is daayaan.
kalafuq (2) Wax is-haystay is dayn.
kalafuqid eeg kalafuq².
kalafuqsad ld kalafuqsasho.
kalafuqsan Wax kala fuqay ahaansho.
kalafuqsanaan eeg kalafuqsan. ld kalafuqsanaansho.
kalafuqsanaansho ld kalafuqsanaan.
kalafuqsasho eeg kalafuqso. ld kalafuqsad, kalafuqsi.
kalafuqsi ld kalafuqsasho.
kalafuqso Wax is-haystay kala dillaacsasho.
kalagal Meesha ay cadduunka iyo buuraleydu iska galaan.
kalaggoyn (xis.) Asto (-). Xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya laba tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.
kalaggoys 1. Labo xubnood oo lafo leh meesha ay iska haystaan; laabato. 2. Laba waddo meel ay iska gooyaan.
kalaggurad ld kalaggurasho.
kalaggurasho eeg kalagguro. ld kalaggurad.
kalagguris ld kalagurid.
kalagguro 1. Wax isku jiray ama isu dhowaa kala qaadasho. 2. Shax, jare iwm oo la kala badin waayey kala qaadasho. 3. Laba wax oo foodda is kula jiray dib u kala fogaasho.
kalagguur (1) 1. Labo reer kala guurid-dooda 2. K. ah: isbeddelka xilliyada, marxaladaha iwm.
kalagguur (2) 1. (daaw.) Cudur caruurta ku dhaca oo madax weyneeya. 2. (baay.) Heerka saddexaad ee qaybsanka unugga.
kalagguur (3) 1. Laba reerood ama qof oo wada degganaa midba dhan u guurid. 2. Xilli isbeddelid.
kalagguurid eeg kalagguur³. ld kalagguuris.
kalaqaad (1) 1. Bushimo, baalasha, indha-ha, iwm oo isku dhegganaa oo la kala fogeeyo. 2. ld kalaqaadid.
kalaqaad (2) 1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Af, indho iwm kala furid.
kalaqaadid eeg kalaqaad². ld kalaqaad¹ (2).
kalasaar 1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Hadal, fikrad iwm oo la garan waayey caddeyn. 3. U gar qaybin (cid).
kalasaarid eeg kalasaar.
kalasarree 1. Wax, wax kale korkiisa saaran ahaansho. 2. Qof, qof kale ka derejo sarreeya, ahaansho. 3. Waxaan isku dherer ahayn ahaansho (dhul).
kalasarreyn (1) eeg kalasarree. ld kalasarreys.
<< < 878 879 880 881 882 883 884 885 886 887 888 > >>