bootis ld bootin (1).
booto Faan iyo hanjabaad been ah oo cid lagu cabsi gelinayo.
bootoole Qof faan iyo hanjabaad badan. ld bootaale.
boowe ld abboowe.
booy (1) Ceel biyo badan leh.
booy (2) ld ooy.
booyaamid eeg booyaan². ld booyaan¹ (2).
booyaan (1) 1. Hadal badan oo aan duluc lahayn. 2. ld booyaamid.
booyaan (2) Hadal badan oo aan duluc lahayn ku hadlid.
booyad 1. Baabuur fuusto weyn xambaarsan oo biyaha, baasiinka, naaftada iwm lagu qaado. 2. Haan weynoo laba lugood oo kuwa baabuurta ah leh oo biyaha lagu kaydsado.
booyid ld ooyid.
boqnagoo 1. Qof luggoyn. 2. Nafley si loo curyaamiyo feyla jarid. ld boqnajar, boqongoo.
boqnagooyo 1. Luggooyo. 2. Jaridda feylaha la jaro si loo curyaamiyo. ld boqnagoyn.
boqnagoyn eeg boqnagoo. ld boqnagooyo, boqnajarid, boqongooyo, boqongoyn.
boqnajar ld boqnagoo.
boqnajarid ld boqnagoyn.
boqol Tiro ka kooban toban meelood oo min toban ah; “100”.
boqolaad Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
boqollaal Tiro ka kooban dhawr boqol.
boqolle 1. Qof lab ah. 2. Nin aad u fiican. ld boqollow.
boqollow ld boqolle.
boqon (1) Xarig laga sameeyo seedda boqonta oo lagu xiro qaansada.
boqon (2) Seedda, ciribta iyo muruqa kubka isu haysa.
boqon (3) (c.nafl.) Xarriiq toosan oo isku xirta laba barood oo ku dul yaalla xood. Tusaale ahaan, xarriijinta isku xirta laba barood oo ku yaalla meeriska goobada waa b..
boqondhaw (1) 1. Geed digir meseggo imw oo soo fufay. 2. ld boqondhebid.
boqondhaw (2) 1. Boqongoyn (qof). 2. Dhir jirid ka jarid.
boqondhebid eeg boqondhaw². ld boqondhaw¹ (2).
boqongoo ld boqnagoo.
boqongooyo ld boqnagooyo.
boqongoyn ld boqnagoyn.
<< < 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 > >>