Ereyga Maanta: wiifid
kaydsanaan eeg kaydsan. ld kaydsa-naansho.
kaydsanaansho ld kaydsanaan.
kaydsasho eeg kaydso. ld kaydsad, kaydsi.
kaydsi ld kaydsasho.
kaydso Cunno, lacag iwm meel dhigasho si aad mar kale u isticmaashid.
kayga (1) (kuweyga, w) Magacuyaal lahaansho oo lab oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tus. “Midkan kayga ma ah”. .
kayga (2) Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tus. “Dalkaygu waa hodan”. ld kay³.
kaykayle 1. Harag, dhar iwm adag oo qallafsan oo aan weli wax laga qaban. 2. K. ah: qof ama xoolo aan culays wadin oo dheeraynaya.
kaylakeen Qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda keenid.
kayle God dheer oo wixii ku dhacaaysan ka bixi karin.
kaylli 1. Xannuun badan oo meel dhaawac ah haya. 2. (-iyo, mdh.) God dheer oo ugaarta lagu dabo. ld keylli.
kaymadow Haweenay nasiib xun.
kaymayn (juqr.) Dariiqadda dhul looga dhigo mid kayn leh iyada oo aan meeshaasi hore u lahayn dhir.
kaymo-caleen-irbadlay (bot.) Dhirlayda calemahoodu u egyihiin irbadaha ama qodxaha.
kayn (1) 1. Nasiibdarro, ayaandarro, cawaxumo. 2. (-ymo, m.l) Meel dhir badan; hawd; jiq; toon.
kayn (2) (juqr.) Eray lagu magacaabo dhul aan beernayn oo ay ka baxaan hoosbaxayaal isku cufan; mararka gaarkood waxaa loo adeegsadaa, iyadoo waxa la isku qanciyaa yaryihiin , inay yihiin kaymaha mansuunta nooc ahaantooda.
kayn-badhaale (juqr.) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, Xilli oomane ahna usan jirin; meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.
kayn-maanguruuf (juqr.) Dhul qoyan oo biyo fedhiyaan oo badanaa ay buuxiyeen kayn maanguruuf ah, kan maanguruuftu badanaa waxay ku dhacdaa dhul xeebeedka hoose ee gobollada kulaalayda, waxayna ugu sii badantahay agagaaraha webiga afkiisa.
kayn-mansuun (juqr.) Nooc kaymaha kulaalayda oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin geedaha caleen - dhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.
kayn-tirid (juqr.) Goynta dhirta iyo bannaynta kaynta.
kaynaan (1) Geeddi meel fog loo guuro oo aan nasasho badan lahayn.
kaynaan (2) Geeddi dheer oo aan nasasho badan lahayn guurid.
kaynaani 1. (f.g) Geeddi dheer oo aan nasasho lahayn wadid. 2. (f.mg) Ku k.: cid wax ku tuurid.
kaynaanid eeg kaynaan².
kaynaanin eeg kaynaani.
kaynroobaad Kolka roob da'ayo ee ifka qorraxda iyo dhibicda roobku isqabtaan, muuqaalka isku duuban ee midabbada badan leh oo qaabka qaansada u eg, cirkana ka dhex muuqda; qaanso-roobaad; jeegaan; caasha-carrabdheer.
kayo (1) ld kaayo¹. .
kayo (2) ld kaayaga².
kays (nax.) Isbeddel sarfeed oo ku dhaca qaabka ereyada qaarkood (siiba magacyada), oo muujinaya xiriirka naxweed ee qaabkaasi uu la leeyahay weerta inteeda kale; waa seddaxda habdhis kaysyada soomaaliyeed waxaana ka mid ah: kays yeelaale oo ah marka magaca yeele uu dhammaadkiisa ka muuqdo -u ama -i. Labada kale waa: kays yeermo iyo kays lahaansho.
kaytiin Walax geeso oo kale ah oo laga helo gidaarada unugyada fangi farabadan; waxaana uu ka koobanyahay boolisakaraydhyo. Waxa uu ka mid yahay walxaha daboola jidhka cayayaanka.
<< < 894 895 896 897 898 899 900 901 902 903 904 > >>