Ereyga Maanta: hiilley
nacalladoobid ld nacaladobid.
nacalladow ld nacaladow.
nacalle ld nacalad¹.
nacas Qof caqli yar; doqon; dabbaal.
nacasee Qof si wax caqli yar ula dhaqmid.
nacaseyn eeg nacasee.
nacash 1. Ciyaar caruureed la is eryado oo qofka wax eryanaya marka uu taabto ka uu eryanayo uu yiraahdo nacash. 2. ld naxash. Sanduuqa meydka lagu qaado marka qabriga loo wado.
nacasnimo Nacas ahaansho. ld nacastooyo.
nacasoobid eeg nacasow.
nacasow Nacas noqosho.
nacastooyo ld nacasnimo.
nacayb Colaad uurka la isugu hayo; nac¹. ld necayb.
nacayn eeg nacee.
nacdal (1) ld nacalad¹.
nacdal (2) ld nacalad².
nacdalid ld nacaladid.
nacdallee ld nacaladee.
nacdalleyn ld nacaladeyn.
nacdalleysan ld nacaladeysan.
nacdalleysnaan ld nacaladeysnaan.
nacdalleysnaansho ld nacaladeysnaan.
nacdiir Nacayb weyn oo cid loo hayo; nac.
nacee Cid wax ku dhibid.
nacfi (1) 1. Wax faa'iido leh. 2. Cunto waxtar leh. ld nafac, nafci.
nacfi (2) Ku n.: xoolo, qalab iwm si looga faa'iidaysto u adeegsasho.
nacfiyid eeg nacfi².
nacnac (1) Macmacaan yaryar udgoon oo la muudsado.
nacnac (2) Hadal badan oo aan macno lahayn.
nacnaclee Si aan macno lahayn u hadlid.
nacnacleyn eeg nacnaclee.
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>