Ereyga Maanta: wiriqlaawe
kharrib (2) Wax wanaag-sanaa xumeyn.
kharribaad Halleynta wax wanaagsanaa la halleeyo. ld kharrib¹.
kharriban (1) Wax la kharribay noqosho.
kharriban (2) Wax la kharribay ahaansho.
kharribid eeg kharrib².
kharribmid eeg kharriban¹.
kharribnaan eeg kharriban². ld kharribnaansho.
kharribnaansho ld kharribnaan.
khasaanad 1. Bir aad u adag oo sida sanduuqa u sameysan oo lacagta, dahabka iwm lagu keydiyo. 2. Quful si adag u xirma oo dhawr wareeg leh.
khasaar Khasaaro la kulmid.
khasaari Cid khasaaro gelin.
khasaarid eeg khasaar.
khasaarin eeg khasaari.
khasaaro Dhibaato ku timaada qof hantidiisa.
khasab (1) 1. Dirqinta cid lagu dirqiyo wax aysan raali ka ahayn. 2. Geed bal iyo alammo leh oo toos u baxa oo dheecaankisa sonkorta laga sameeyo.
khasab (2) Wax cid ku dirqin.
khasbid eeg khasab².
khashabad Doon.
khashiimiin eeg khashiin.
khashiin Qof degaanka uu joogo dhaqankiisa aan aqoon u lahayn.
khashiinnimo Khashiin ahaansho.
khashin Wax walba oo wasakh, haraa cunto, iwm ah ee la iska xaaqo lagana fogeeyo degaan lagu nool yahay. ld qashin.
khashinsaar (c.nafl.) Saaridda wasakhda jirka sameeyey sida badan ay kelyaha laga soo saaro.
khashkhash (1) 1. Dhagar; sir; mardabo. 2. Wadnaqabad; qasacajebis. ld qashqash¹.
khashkhash (2) 1. Hadal badan oo been iyo khayaano ah cid wax kaga qaadid. 2. Cid dhibid, ku dheelid ama lagu dheelo. ld qashqash².
khashkhashaad 1. Hadal badan oo been iyo khayaano ah cid wax looga qaado. 2. Cid la dhibo ama lagu dheelo. ld qashqashaad.
khashkhashid eeg khashkhash². ld khashkhashaad, qashqashaad, qash-qashid.
khashuuc (1) Dareen beernugeyl diimeed leh oo qof ka muuqda. ld khushuuc¹.
khashuuc (2) 1. Dareen beernugeyl diimeed leh muujin. 2. U k.: wax ka raalli noqosho ama la dhicid. ld khushuuc².
khashuucid eeg khashuuc². ld khushuucid.
<< < 904 905 906 907 908 909 910 911 912 913 914 > >>