Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
khashuucsan Wax khashuuc hayo ahaansho. ld khushuucsan.
khashuucsanaan eeg khashuucsan. ld khashuucsanaansho, khushuucsanaan, khushuucsanaans.
khashuucsanaansho ld khashuuc-sanaan.
khasif (1) Waxyeelo xag Ilaah ka timaadda oo dad iyo dal ku dhacda oo burbur iyo halaag gaarsiiya.
khasif (2) Waxyeelo xag Ilaah ka timaadda oo dad iyo dal ku dhicid, burbur iyo halaagna gaarsiin.
khasifid eeg khasif².
khasiis Qof aan ka xishoon falalka xunxun oo dhan.
khasiisiin eeg khasiis.
khasir (1) 1. Maal lacag ah oo si aan habboonayn lagu bixiyo ama lagu lumiyo. 2. Ganaax; xaal; yake. ld khasiraad.
khasir (2) 1. Hanti si aan habbooneyn u isticmaalid. 2. Cid ganaaxid.
khasiraad Ganaax cid la saaro. ld khasir¹.
khasirid eeg khasir².
khasiyad Wax la qoonsado oo gardarro ah oo cid lagula kaco.
khasiyadayn eeg khasiyadee.
khasiyadee Cid khasiyad ku sameyn.
khasnad Bir aad u adag oo sida sanduuqa u samaysan oo lacagta, dahabka iwm lagu kaydiyo. ld qasnad.
khasnaji Qofka lacagta bixiya, khasnaddana furaheeda haya.
khasoobid eeg khasow.
khasow Fal xun oo aad sameysay dhibaatada ka timaadda dareemid.
khatal (1) Been cid lagu khayaamayo. ld khataalad.
khatal (2) Cid been lagu khayaamayo u sheegid.
khatalaad ld khatal¹.
khatalan (1) Ismoodsiin iyo malahabaabid cid ku dhacda.
khatalan (2) Wax ismoodsiis iyo malahabow ku dhacay noqosho.
khatalan (3) Wax la khatalay ahaansho.
khatalid eeg khatal².
khatalmid eeg khatalan².
khatalnaan eeg khatalan³. ld khatalnaansho.
khatalnaansho ld khatalnaan.
khatar 1. Dhibaato halis ah. 2. K. ah: wax waxyeello ama dhibaato ka iman karta, halis.
<< < 905 906 907 908 909 910 911 912 913 914 915 > >>