khatif (1) Habaabidda laga habaabo meel la mari lahaa. ld khaddif¹.
khatif (2) Marin ka habaabid. ld khaddif².
khatifid eeg khatif². ld khaddifid.
khatifsan Wax habaabay ahaansho. ld khaddifsan.
khatifsanaan eeg khatifsan. ld khad-difsanaan, khaddifsanaansho, khatifsa-naansho.
khatifsanaansho ld khatifsanaan.
khatimid eeg khatin². ld khatin¹.
khatin (1) 1. Gabagabeynta iyo gunaanadka Quraan iyo duco la soo akhriyay. 2. ld khatimid.
khatin (2) Quraan iyo duco la akhriyay gunaanadid.
khawaaf Qof magaalo joog ah oo rug iyo raaslaawe ah oo wuxuu doonaba sameeya.
khawaafad Naag magaalo joog ah oo rug iyo raaslaawe ah oo waxay doon-taba sameysa.
khawaafiin eeg khawaaf.
khawaafsasho eeg khawaafso.
khawaafso Hanti la'aan awgeed dhibaato la kulmid.
khawaaji K. ah: qof maalqabeen ah.
khawayiis ld khawaysiin.
khawaysii Been iyo khayaano cid ka dhaadhicin.
khawaysiin eeg khawaysii. ld kha-waysiis.
khayaamayn ld khayaanayn.
khayaamee ld khayaanee.
khayaamid ld khayaanid.
khayaan Cid khayaano ku samayn.
khayaanalow Qof dhagar badan.
khayaanayn eeg khayaanee. ld khayaamayn, khiyaamayn, khiyaanayn.
khayaanee Cid khayaano ku samayn. ld khayaamee, khiyaamee, khiyaanee.
khayaanid eeg khayaan. ld kha-yaamid.
khayaano Dhib si qarsoodi ah cid loogu geysto; dhagar; sir. ld khiyaamo, khiyaano.
khayli Guntiino daliig madow darfaha ku leh oo waagii hore dumarku qaadan jireen.
khaymad 1. Aqal fudud oo kolna la dhiso, kolna la furfuro oo lala guuro. 2. Teendho; taanbuug.
khayr Wax wanaag ku jira oo dhan.
<< < 906 907 908 909 910 911 912 913 914 915 916 > >>