Ereyga Maanta: garbis
khayraad 1. Waxyaabaha dabiiciga ah oo banii'aadanka manaafacaad u leh oo laga helo oogada ama gudaha badda iyo berrigaba. 2. eeg khayr.
khaysaraan Geed alammo leh oo geedka qasabka u eg, ka laamo dhuudhuuban kana baxa webiyada hareerahooda iyo meelaha biyo fariisinnada, lagana sameeyo bakoorado, kuraas, dambiilo iwm.
khibrad Waayo-aragnimada iyo aqoonta uu qofku ka soo kasbo hawl uu muddo badan hayey. ld khibro.
khibro ld khibrad.
khiddad Qorshe loo sameeyo hawl, mashruuc iwm.
khidmad ld khidmo.
khidmee Qof la xurmaynayo hawl u qabasho.
khidmeyn eeg khidmee.
khidmo 1. (dii.) Soddonka jus ee quraanka oo kol isku meel lagu wada akhriyo. 2. Hawl cid loo qabto; adeeg. 3. (-ooyin, m.l) Lacagta la siiyo qof hawl fudud qabtey. ld khidmad.
khidmo-shuruud (dii.) Quraanka oo dhan ama qaarkiis oo qof jirran lagu dul akhriyo.
khilaaf (1) Heshiis la'aan; is-afgaranwaa.
khilaaf (2) Arrin iwm cid ku diidid.
khilaafid eeg khilaaf².
khilaafo Nidaam muslimiinta oo dhan ku dooran jireen khaliifkooda.
khilaafsan 1. Wax, wax kale ka duwan ahaansho. 2. Arrin iwm waxaan raacsaneyn ahaansho.
khilaafsanaan eeg khilaafsan. ld khilaafsanaansho.
khilaafsanaansho ld khilaafsanaan.
khilaawayn eeg khilaawee. ld qalwayn.
khilaawee Kelinnimo meel gaar ah Ilaah ku baryid. ld qalwee.
khilaawo Kelinnimo, meel gaar ah, muddo go'an arrin gaar ah oo Ilaah looga baryo. ld khalaawo, khalwo, qalwo.
Khiyaali eeg madaddaalo.
khiyaamayn ld khayaanayn.
khiyaamee ld khayaanee.
khiyaamo ld khayaano.
khiyaanayn ld khayaanayn.
khiyaanee ld khayaanee.
khiyaano ld khayaano.
khiyaar ld ikhtiyaar.
khoobar 1. Libaax badeedka waaweyn mid ka mid ah. 2. Hombaro.
khoof (1) Cabsi; baqdin.
<< < 907 908 909 910 911 912 913 914 915 916 917 > >>