Ereyga Maanta: findoob
dhakafaar (2) Ku dh.: yaab weyn la kulmid. ld dheg-kafaar², dhekafaar².
dhakafaari Cid, dhakafaar badid. ld dheg-kafaari, dhekafaari.
dhakafaarid eeg dhakafaar². ld dhakafaar¹ (2), dhakafaaris², dheg-kafaar¹.
dhakafaarin eeg dhakafaari. ld dhakafaaris¹, dheg-kafaarin, dhekafaarin, dhekafa.
dhakafaaris (1) ld dhakafaarin.
dhakafaaris (2) ld dhakafaarid.
dhakafaarsan Wax dhakafaaray ahaansho. ld dheg-kafaarsan, dhekafaarsan.
dhakafaarsanaan eeg dhakafaarsan. ld dhakafaarsanaansho, dheg-kafaarsanaan, dheg-kafaa.
dhakafaarsanaansho ld dhakafaar- sanaan.
dhakal Haruub aad u yar.
dhakan 1. Qof maqal ka liita ahaansho. 2. U dh.: qof meel ku dhuuntay ahaansho.
dhakanaan eeg dhakan. ld dhakanaansho.
dhakanaansho ld dhakanaan.
dhakasho 1. Dhuumashow. 2. ld dhakad. eeg dhako.
dhakaw Tigin; dhidib; udub.
dhakhaatiir ld takhaatiir.
dhakhadhookh Qof dad ka qosliya.
dhakhsad ld dhaqsad.
dhakhsaha falgalka (kiim.) Cabbir sheegaya xaddiga falgalaha ah ee qarsooma halbeeg ammineed kasta marka falgal kiimikaad dhacayo. Sidaa awgeed; waa cabbir muujinaya tirada is herdiyada wax ku oolka ah ee dhexmara molikuyuullada falgaleyaasha. Dhakhsaha falgal ku socdo waxa lagu cabbiri karaa dhakhsaha falgaleyaashu ku qarsoomaan ama maxsuulladu ku samaysmaan.
dhakhsasho ld dhaqsasho.
dhakhsi ld dhaqsasho.
dhakhsiinyo ld dhaqsad (1).
dhakhso (1) ld dhaqsad (1).
dhakhso (2) ld dhaqso².
dhakhso-horsiimo-kowaad (kiim.) Falgalka dhakhsihiisu saamigal ku yahay ribnaanta mid ka mid ah walxaha falgalayaasha ah.
dhakhtar ld takhtar¹.
dhakhtarnimo ld takhtarnimo.
dhako (1) 1. Madaxa meeshiisa sare, dhalo. 2. Meesha ugu sarraysa (guri, geed, buur iwm); fiin.
dhako (2) 1. Iyadoo wax la qaadaayo ama wax laga cabsanaayo meel ku dhuumasho; gabbasho.
dhakool (1) 1. Qof, wax meel cidla'ah taagan ama ka dhisan. 2. ld dhakoolid.
<< < 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 > >>