Ereyga Maanta: dabaylwac
kuur (2) Cid cabsiin, indho ku gubid.
kuurgal (1) 1. K. ah: qof u kuurgalaya. 2. ld kuurgelid.
kuurgal (2) U k.: wax si aad ah ugu dhabbagelid.
kuurgeli U k.: cid aan war hayn oo meel aad u dhow u fariisasho si loo ogaado xogta.
kuurgelid eeg kuurgal². ld kuurgal¹ (2).
kuurgelin eeg kuurgeli.
kuuri Wax ku dhowaansho.
kuurid eeg kuur².
kuurin eeg kuuri.
kuurkuursad ld kuurkuursasho.
kuurkuursasho eeg kuurkuurso. ld kuurkuursad, kuurkuursi.
kuurkuursi ld kuurkuursasho.
kuurkuurso Iyadoo la fadhiyo dhaqdhaqaaqid ama nuuxnuuxsasho.
kuus (1) 1. Wax buuran ama qaab kankoonsan leh. 2. K. lacag ah: lacag badan oo wax qiimo leh goysa.
kuus (2) Wax badan meel yar isugu keenid.
kuusad Weel dhoobo ka sameysan oo biyaha lagu shubto.
kuusan (1) 1. Wax qaab kankoonsan leh noqosho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho.
kuusan (2) 1. Wax qaab kankoonsan leh ahaansho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho.
kuusid eeg kuus².
kuusin Mayrax iwm oo geela la dhayayo geggabbada lagula mariyo.
kuuskuus Dhoobo iwm dhawr waxyaabood oo qaabab kankoonsan leh ka sameyn.
kuuskuusid eeg kuuskuus.
kuusmid eeg kuusan¹.
kuusnaan eeg kuusan². ld kuusnaansho, kuusni.
kuusnaansho ld kuusnaan.
kuusni ld kuusnaan.
kuuti Si aayar ah u socosho.
kuutin eeg kuuti. ld kuutis.
kuutis ld kuutin.
kuutiyad Doonyo waaweyn oo qonjadda u eg oo dalka Hindiya lagu sameeyo.
<< < 931 932 933 934 935 936 937 938 939 940 941 > >>