dhalanxunWax dabeecad, fir, muuqaal iwm oo aan la jeclaysan leh ahaansho.
dhalashadadii ciise(dii.) Ciid karishtaanka ay u ciidaan markii uu dhashay Nebi Ciise 25 bisha Diseember.
dhalasho1. Qof isir ama jinsiyad ahaan meesha uu ka soo jeedo. 2. ld dhalad. eeg dhalo².
dhalco1. Kulka qorraxda subaxnimo. 2. Meel bannaan oo aan har lahayn.
dhaldhalaal1Qurux ama bilic aan muddo dheer waarayn. ld dhaldhalaalid.
dhaldhalaal2Qurux ama bilic aan muddo dheer waarayn yeelasho (wax).
dhaldhalaalideeg dhaldhalaal². ld dhaldhalaal¹.
dhaleecayneeg dhaleecee.
dhaleeceeCid dhaleeco u jeedin.
dhaleeco1. Cudur bushinta ku dhaca oo ay la caddaato. 2. Eed iyo ceebayn loo jeediyo cid fal xun ku kacday.
dhalfeeNin naag u galmoosho.
dhalfeyneeg dhalfee.
dhalfiifJab yar oo ka mid ah wax burburay.
dhalfoXubinta taranta ragga inteeda hore oo ay buuryadu daboosho marka uusan gudnayn.
dhali1Afka hore ee xubinta taranta dhiddigoodka.
dhali21. Dheddig foolanaya ilmo ka soo qabasho. 2. Ciyaar kubbadeed dhibco ka keenid (qof).
dhalideeg dhal². ld dhalis², dhalmo.
dhaliil1Daldalool iyo iin wax leeyahay.
dhaliil2Daldalool iyo iin wax leeyihiin sheegid.
dhaliilideeg dhaliil².
dhalineeg dhali². ld dhalis¹.
dhalis1ld dhalin.
dhalis2ld dhalid.
dhaliye(fiis.) Qalab awoodda mekaanikaad u beddela awoodda danabka. Warshadaha danabka, waxa ay soo saaraan qulqul talantaali ah, waxana la yidhaahdaa talantaaliye.
dhallaamayneeg dhallaamee.
dhallaameeSaansaan dhallaan isu yeelid; iscarruurayn.
dhallaanCarruur yaryar; ilmo.
dhallaanciilMuddo sannad ka yar oo qof da'diisa lagu tirsho. ld dhallinciil.
dhallaandhuuxld dhalaandhuux.
dhallaanhabaabisWirwir; dhalanteed, dhaandabaggaalla.
<< < 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 > >>